Patient Education Bartaan Si Ay U Naasnuujiyaan | Page 8

Siyaabaha Lagu Ogaado in Ilmahaagu Helayo Caano ku Filan Cabbista iyo Liqidda. Ilmaha si fiican u qabsaday naaska ee helaya caano waxa uu naaska u jaqaa si la yaqaano. Marka ilmuhu helayo caano, waxa aad maqli doontaa oo/ama aad arki doontaa jiqis joogto ah oo leh hakad gaaban oo ah liqista. Marka hakadku sii dheer yahay, waxa sii badan caanaha ilmuhu qaatay. Liqista waa la maqli karaa waxana laga arkaa qoorta. Mabsuud. Waa in ilmahaagu u dhaqmo sidii uu dheregsan yahay, dabacsan yahay, oo istareexay ka dib badi quudinta. Haddii ilmuhu wali u dhaqmayo siduu uu gaajeysan yahay, ilmahaaga dib ugu celi naaska. Dhaqaaqa Caloosha. Xaarka ilmuhu waxa uu ka beddelmaa madow ama cagaar madow una beddelmaa midab sii khafiifsan marka la gaadho maalinta 3aad marka ilmuhu cabbo caano intii hore ka badan. Badanaa marka la gaadho maalinta 4aad ama 5aad, ugu yaraan 3 illaa 4 xaar gudaha 24 saacadood waa calaamad sheegaysa qaadasho caano ku filan. Xafaayaddo Qoyan. Marka la gaadho maalinta 6aad, ilmuhu waxa uu qoyaa 6 xafaayadood gudaha mudo ah 24 saacadood. Qaababka Miisaanka. Ilmahaaga waxa ka lumi doonaa miisaan yar dhawrka maalmood ee ugu horeeya, laakiin waa in taasi joogsato marka la gaadho maalinta 5aad. Badi ilmuhu waxay ku soo noqdaan miisaankoodii dhalashada marka la gaadho 2 todobaad. Ka dib tan, waa in ilmaha ay ku kordhaan ½ illaa 1 wiqiyad maalintii, ama 1 illaa 2 rodol 4-ta bilood ee ugu horeeya. Xaarka ilmahaagu wuu beddelmi doonaa inta lagu jiro todobaadka 1aad: Maalmaha 1-2 Maalmaha 3-4 Madow ama cagaar madow, qaro leh, oo dhegdheg leh Cagaar xigeen illaa hurdi waana uu sii qaro yar yahay Marka la gaadho maalinta 5aad Hurdi madow ama hurdi, fudad yaryar oo biyo-biyo ah Waxana ilmahaagu sii kordhin doonaa kaadida ama xafaayadda qoyan (fiiri shaxda ku taala bogga xigga). 8