Tilmaamaha Gaajada ee Ilmaha
“ Gaajo ayaa i haysa ”
Tilmaamaha Hore : Dhaqdhaqaaqid Afka oo uu furo Madax leexin Raadin
“ Aad bay gaajo ii haysaa ”
Tilmaamaha Dhexe : Iskala-bixin Dhaqaaqid dheeraad ah Gacanta oo uu afka galiyo
“ I deji , ka dibna i quudi ”
Tilmaamaha Dhexe : Oohin Dhaqaaqid cadho leh Ilmaha oo casaan noqda
Qaababka Quudinta
• Marka ugu horeysa waxay u badan in ilmahaagu aanuu lahaan doonin jadwal quudin oo joogto ah . Ilmo badan ayaa naaska jaqada 1 illaa 3 saac kasta . Ilmahaaga u oggolow inuu jaqo naaska inta jeer ee uu u baahan yahay ama ay u baahan tahay .
• Quudinta ah marmar badan oo waxtar leh ayaa gargaar ka geysanaya in naasahaaga loo tilmaamo inay kordhiyaan kaydka caanahaaga si loo haqabtiro baahida ilmaha .
• Waa caam in ilmuhu uu naas jaqo marmar isku dhow dhawrka maalmood ama todobaad ee ugu horeeya . Ilmaha waxa naaska la siin kara dhawr jeer gudaha dhawr saacadood ka dibna waxay seexan karaan mudo sii dheer .
• Marka ilmahaagu sii koro , waxa laga yaabaa in doonistu noqoto mid joogto ah . Waxa laga yaabaa in ilmuhu uu
wakhti intii hore ka yar jaqo naaska quudin kasta ama uu qaato marrar intii hore ka yar .
Dhererka Quudinta
• Sii ilmahaaga naaska koobaad illaa uu ka dhammeysanayo dhinacaas . ( Waxa laga yaabaa in ilmuhu soo tufo ibta , bilaabo inuu nasto mudooyin wakhti oo dheer oo u dhexeeya jiqista , ama uu bilaabo inuu seexdo iyada oo ibtu ugu jirto afka .)
• Ka daaci ka dibna sii naaska labaad .
• Badi ilmuhu waxay jaqaan labada naas quudin kasta , laakiin qaar baa laga yaabaa inay jaqaan kaliya hal dhinac . U oggolow inay jaqdo naaska labaad illaa aad u maleysid inay dheregsan tahay .
• Bilaw inaad siisid naaskii aad ku dhammeysay quudintii ugu dambeysay . Haddii ilmahaagu jaqay kaliya hal naas quudintii ugu dambeysay , quudinta ka bilaab dhinaca kale .
6