Patient Education Bartaan Si Ay U Naasnuujiyaan | Page 5

Qabsashada Naaska ee Hooyada Hogaaminayso Isticmaal habkan dhawrka todobaad ee ugu horeeya ama haddii ay dhib ka haysato qabsashada naaska. Aagga galaya afka ilmaha Wareegga ibta • U fadhiiso si leh raaxo iyo taageero fiican. • Ilmahaaga dul saar barkimo (ama barkimooyin) si gudub ah oo ah laabtaada si uu xagaaga ugu jeedo isaga oo la siman naaskaaga. • Gacantaada saar agagaarka salka madaxa ilmaha iyo qoorta isla markaana cududdaada ku hay lafdhabarka ilmahaaga. Salka gacanta si xooggan ugu riix garbaha ilmaha taasoo keenaysa in gadhka ilmuhu marka hore yimaado Wareegga ibta • Ilmahaaga u leexi dhinac, oo ilmahaaga u soo dhawee jidhkaaga (calooshaadu ha taabato calooshiisa). • Dhabanka ilmaha ku jiifi naaskaaga si ilmahaaga adigu kor kuu eego. Kaasi waa aragtida aad arki doontid marka ilmuhu qabsado. • Marka ilmuhu dareemo ibta naaska, ilmuhu wuxu u jeedsan doonaa xagga ibta iyada oo afkiisu furan yahay. Haddii ilmuhu aanuu qabsan: • Maqaarkaaga ku qabo maqaarka ilmaha mudo ah saacad ka dibna isku day markale marka ilmuhu bilaabo inuu raadiyo naaska. • Isticmaal gacanta ka dambeysa garabka iyo cududda ilmaha ee ku dherersan dhabarka ilmaha si ilmuhu si buuxda oo qoto dheer u gaadho ibta. • Gacanta ku lis ama bamgaree mudo ah 10 illaa 15 daqiiqadood ka dib isku day kasta. (Fiiri fariinta hoos timaada “Lisidda Caanaha Naaska” ee bogga 14.) • Fiiri dhaqaaqyada daanka ee isku xiga iyo liqista — oo ah 10 illaa 20 daqiiqadood halkii naas dhawrka todobaad ee ugu horeeya. • Waxa laga yaabaa inaad heshid kaliya qaddaro yaryar oo ah dambar ama caano maalmaha hore, laakiin soo saarista xiitaa qaddar yar oo ah caano waxay naasahaaga ka caawin doontaa inay sameeyaan caano dheeraad ah. • Si tartiib ah naaskaaga ugu duug gacanta taageeraysa si aad u dhiirigalisid socodka caanaha iyo cabbista. • Sii ilmaha dambar ama caano la bamgareeyay haddii aanuu qabsanayn naaska. • Haddii dhibaatooyin ah qabsashada naaska sii socdaan ka dib ka bixidda cisbitaalka, wac Khadka Gargaarka Naas-nuujinta oo ah 614234-6455 si aad ballan ula sameysatid la-taliso naas-nuujin si laguu gargaaro. 5