Patient Education Bartaan Si Ay U Naasnuujiyaan | Page 4
Barta Fiican ee Laga Bilaabo
• Ilmahaaga ku xeji inta dhexeysa
Si loo hubsado in adiga iyo ilmahaaga aad
meel fiican ka bilaabtaan naas-nuujinta:
labadaada naas iyada oo
maqaarkaagu taabanayo
maqaarkiisa.
• Ilmahaaga qabo iyada oo maqaarkaaga
iyo maqaarkiisu is taabanayaan inta lagu
jiro mudada hore ee dhawaan-dhaladka.
Tani waxay gargaar ka geysanaysaa
in la joogteeyo heerkulka, garaaca
wadnaha iyo neefsashada ilmahaaga.
Waxa kale oo ay ilmahaaga ka dhigi
kartaa mid sii gaajaysan si loo quudiyo.
Marka ilmuhu uu laabtiisa ku dareemo
laabta hooyada, iyada oo maqaarkiisu
taabanayo maqaarka hooyada, waxa
iman doonta in ilmuhu raadiyo naaska.
• Raac madaxa ilmaha.
Haddii ilmaha ay gaajo hayso, waxa
uu bilaabi doonaa is maroojin iyo
madaxiisa oo uu kugu masaxo. Ka
dib waxa uu bilaabi doonaa inuu isu
maroojiyo dhinac-dhinac ama xiitaa si
xoogan u dhaqaaqo— taasoo ku dhow
inuu dhinac isu tuuro. Ilmahaaga ka
dhig mid degan oo raaxo haysta si uu
u raaci karo dareemadiisa aasaasiga
ah. Madaxiisa iyo garbihiisa ku taageer
hal gacan isla markaana badhidiisa ku
taageer gacanta kale, oo kaliya isaga
raac marka uu dhaqaaq sameynayo.
Iska daa isku-dayga inaad qabadsiisid
ama ku dhejisid naaska ama xiitaa
isku daydid inaad afkiisa la sintid ibta
naaskaaga.
• Dib u dhig 12 illaa 28 saacadood
qubeyska ilmahaaga ka dib dhalashada
si loo sii wado istaabashada ah maqaarka-maqaar. Taasi waxay kaydinaysaa
tamarta ilmaha, yareynaysaa
hormoonada walaaca, oo ay
kordhinaysaa heerarka sonkorta dhiigga
ee ilmaha.
• Ilmahaagu ha “kula joogo qolka”, taasoo
gargaar u leh naas-nuujinta hore, soo
saarista caanaha, iyo korodh miisaan
ilmo oo sii sareeya.
• Quudi ilmahaaga marka aad dareentid
tilmaamaha gaajada ee ugu horeeya.
• Ka toosi ilmahaaga hurdada haddii laga
joogo 3 illaa 4 saacadood quudintii ugu
dambeysay.
• Taageer ilmaha marka uu
qabsanayo naaska.
• Deji ilmahaaga ooyaya ama aan
xasiloonayn ka hor inta aanad tijaabin
naas-nuujinta.
Marka ilmuhu hoos u soo dhaqaaqo,
dhabankiisa yaa taaban doona ibta ama
naaska waana uu ku jeedsan doonaa
(nuuxsiga raadinta). Marka gadhka
ilmuhu ku dhaco naaska, caadiska uu
naaska saarayo gadhkiisu ayaa keenaysa
inuu afkiisa si weyn u furo oo uu sare
u tiigsado oo u dulmariyo ibta ka dibna
uu si qoto dheer u qabsado naaska.
Qabsashada Naaska
Qabsashada Naaska ee
Ilmuhu Hogaaminayo
Isticmaal habkan isla ka dib dhalista ama
haddii ilmahaaga ay dhib yar ka haysto
qabsashada naaska.
4