Waxa aad wici kartaa Khadka Gargaarka Naas-nuujinta oo ah 614-234-MILK ( 6455 ) haddii aad u baahan tahay hagid intaa ka badan oo ku saabsan bamgareynta iyo quudinta .
Tilmaamaha Loogu Talogalay Hooyooyinka
Nafaqada iyo Jimicsiga
Badi hooyooyinka naas-nuujiya waxa ay arkaan inay cuni karaan cuntadoodii caadiga ahayd . Ma jiraan cuntooyin ay tahay inaad cuntid ama aad iska ilaalisid . Cunto si fiican isugu miisaaman ayaa jidhkaaga ka caawin doonta inuu ka soo kaabto ilmo dhalidda . Naas-nuujintu waxay kuu keeni kartaa haraad badan . Isku day inaad cabtid ugu yaraan 8 koob oo ah cabbitaan maalin kasta si aad biyo u lahaatid oo looga hortago calool-istaagga . Jimcsiga dhexdhexaad ah dhib uma laha hooyooyinka naaska nuujiya ilmo .
Fitamiinada
Badi dhakhaatiirtu waxay ku taliyaan inaad sii wadid inaad qaadatid fitamiinadii aad qaadan jirtay dhalashada ka hor mudada aad naas-nuujinaysid . Weydii dhakhtarkaaga mudada ay tahay inaad qaadatid fitamiinadaada .
Dawooyinka iyo Daroogada
Dawooyinka iyo daroogada aad qaadatid waxay gali karaan caanahaaga oo u gudbi karaan ilmahaaga . Badi dawooyinka uu qoro dhakhtarkaagu waa u ammaan naasnuujinta . U sheeg dhakhtarkaaga wixii ah dawo dhakhtar qoray ama dawo la iibsado warqad la ’ aan ee aad qaadatid .
17
Daroogada sharci-darada ah sida kookayn , heroin , iyo methamphetamines waxay dhex galaan caanaha naaskaaga waxana ay keeni karaan waxyeelooyin culus . Khubaradu waxay isku raacsan yihiin in aanay ammaan u ahayn naas-nuujinta .
Mariwaanaha ama xashiishadda waxa la og yahay inay dhex gasho caanaha naaska . Sababta oo ah lama yaqaano halista uga iman karta ilmahaaga , waxa aanu ku talinaynaa inaad kala hadashid dhakhtarkaaga . Waxa aad yareyn kartaa dhib soo-gaadhista ilmahaaga adiga oo yareeya ama joojiya isticmaalkaaga xashiishadda . Marna ilmahaaga ha ku qiijin xashiishad .
Qiijinta Sigaarka
Waxa ugu fiican in aanad sigaar qiijin ama cabbin marka aad naas-nuujisid . Haddii aad sigaar cabtid , yaree intii aad kartid . Marna sigaar ha ku ag cabbin ilmahaaga . Soo-gaadhista qiiqa sigaarka qof cabbay waxa la muujiyay inay kordhiso halista Ciladda Geerida Degdeg ah ee Ilmaha Yar ( SIDS ) ( sudden infant death syndrome ), neefta / asma , iyo caabuqyada habka neefsashada ee sare .
Aalkolo
Qofna ma yaqaano inta ay leeg tahay aalkolada ama khamriga ammaan u ah in la cabbo marka aad naas-nuujinaysid . Aalkoladu waxay u soo gudubtaa caanaha naaskaaga . Marka aad ka cabtid qaddaro waaweyn , aalkoladu waxay ilmahaaga ka dhigi karta mid si weyn u hurdeysan . Waxay sababi kartaa in ilmahaagu helo caano sii yar . Haddii ay dhacdo inaad aalkolo cabtid marka aad naaska