Patient Education Bartaan Si Ay U Naasnuujiyaan | Page 16
Aasaaska Bamgareynta
ee Loogu Talogalay ku
Laabashada Shaqada
• Naaska nuuji ilmahaaga marrar badan
marka aanad joogin shaqada.
Caano Intee Leeg
Ayaa Ilmahaygu U
Baahan Doonaa
• Isku day inaad naas-nuujisid ilmahaaga
ka hor inta aanad u bixin shaqada maalin
kasta.
• Si aad u joogteyso kaydkaaga oo aad
iskaga ilaalisid dararka, bamgaree labada
naasba wada-jir 10 illaa 15 daqiiqadood
maalin kasta 2 illaa 4 saacadood kasta inta
aad joogtid shaqada.
Ka dib 3-da illaa 4-ta todobaad ee ugu
horeeya, cilmi-baadhis ayaa muujinaysa in
ilmaha yaryar badidoodu cabbaan qaddar
u dhexeeya 2 illaa 4 wiqiyadood naasnuuji kasta. Ilmuhu marmarka qaarkood
waxay qaadan doonaan wax intaa ka yar
marka ay hooyadood ka maqan tahay
halka kuwo kalena aya cabbi doonaan
qaddar intaa ka badan.
• Isku day inaad ku bamgareysid jadwal
joogto ah maalin shaqo oo kasta.
• Weydiiso sii-haya ilmahaaga in quudinta
ilmahaaga la qorsheeyo si ilmahaagu
diyaar ugu ahaado naas-nuujin
dhammaadka shaqadaada.
16