Patient Education Bartaan Si Ay U Naasnuujiyaan | Page 15

Tilmaamaha Kaydinta Caanaha Naaska Heerkulka Qolka Qaboojiyaha Barafeeye Xoog-uBarafeeye Caano dhawaan la lisay 4-6 saac 4-8 maalmo 3-6 bilood 12 bilood Caano baraf ahaa oo dhalaaliyay 1 saac 24 saac Marna dib ha u barafeyn Marna dib ha u barafeyn Iska tuur wixii ah caano aan ilmuhu ku cabbin 1 saac ka dib marka ilmuhu bilaabo inuu dhalada ama masaasada ka qaato. Naas-nuujinta iyo ku Laabashada Shaqada • Dhalo ama masaasad ku bilaw ilmahaaga yar adiga oo isticmaalaya ib mujuruc oo qulqul gaaban. Sii quudin ah dhalada oo beddel u ah naas-nuujin toos ah 2 illaa 3 jeer todobaadkii illaa aad ku laabatid shaqada. Tani waxay gargaar ka geysan doontaa in ilmahaagu ku kalsoon yahay qaadashada dhalada. Ka Hor Inta Aanad ku Laaban Shaqada • Barta ah www.breastandbottlefeeding. com ka fiiri fikrado ku saabsan ku bilaabista dhalada. • Mudada ah 3-da illaa 4-ta todobaad ee ugu horeysa, samee naas-nuujin iyo kayd caano oo fiican adiga oo kaliya toos u naas-nuujinaya ilmahaaga wakhtiga quudin kasta. • Ka dib 3-da illaa 4-ta todobaad ee ugu horeeya, bilaw bamgareynta 1 mar maalin kasta mudo ah 10 daqiiqadood. Isticmaal bambo naas oo labaale ah oo korontada ku shaqeysa. Hal saac ka dib quudinta subixii ee ugu horeysa ee ilmahaaga ayaa sida ugu fiican u shaqeysa. Waxa laga yaabaa inaad marka hore heshid dhibco caano ah ama waxa aad heli kartaa wiqiyado, laakiin maalin kasta oo aad bamgareysid waxa aad naasahaaga u tilmaamaysaa inay sameeyaan caano intii hore ka badan. • Maamulahaaga ama qaybtaada shaqaalaha kala hadal qorshahaaga inaad naas-nuujisid, iyo sida loo diyaariyo wakhti iyo goob gaar ah oo naasaha lagu bamgareeyo. Haween badan ayaa isticmaala wakhtiyadooda nasashada iyo qadada si ay u bamgareeyaan. Haweenka qaar waxay shaqada yimaadaan goor hore ama waxay sii joogaan goor dambe si ay u soo gudaan wakhtiga loo baahan yahay in la liso caanaha naaska. • Xuquuqda shaqaalaha ee ku saabsan sida loogu laabta shaqada iyo naasnuujinta ka baro barta ku taala www. womenshealth.gov. 15