“
FURAHA GANACSIGA
Buuggaan oo ku salysan cilmibaaris socotay muddo dheer,
aqoon iyo waaya’aragnimo waa buug heer kasta oo aad
kaga jirtid ganacsiga kugu kordhinaya aqoon, ganacsigaagana ka dhigaya mid ka dhex muuqda sayladda.”
yar-yar iyo antrabranoornimada
oo ka kooban afar cutub, waxay qaadaa dhigaysaa qaabka
sharikaadku u samaysmaan iyo
dabeecadaha dadka bilaaba
sharikaadkaas.
Qaybta labaad oo ka hadlaysa
bilaabista, horummarinta, kobcinta iyo fashilka ganacsigu,
waxay marka hore wax ka iftiiminaysaa qaababka loo helo
fikradaha ganacsiga (qaababka
loo dhaliyo fikradaha, qaabka
fikradda loogu beddelo fursad
iyo qaabka loo miisaamo fursadda).
Waxay marka xiga wax ka taabanaysaa qaabka loo sameeyo
qorshe ganacsi. Waxa kale oo
qaybtaasi dulmar kooban ku
samaynaysaa sida loo bilaabo
shirkadda. Labada cutub ee ugu
danbeeya qaybtani waxay faahfaahin ka bixinayaan koboca iyo
fashilka sharikaadka yar-yar.
Qaybta saddexaad, oo daawo
u raadinaysa waxyaabaha sharikaadka Soomaalidu ku liitaan,
waxay ka kooban tahay lix cutub: tartanka, suuqgeynta, istaraatiijiyadda, maaliyadda xisaabaadka, moodeelka iyo anshaxa
ganacsiga.
Meesha cutubka tar-tanku ka
warramayo sida loo fahmo tartanka iyo sida loo ilaashado suuqa; cutubka suuqgeyntu wuxuu soo bandhigayaa qaababka
loo goboleeyo suuqa, loo xusho
gobol ka mid ah, looguna miti-
www.buuh.net
do gobolkaas la xushay. Wuxuu
sidoo kale wax yar ka taabanayaa sida loo sameeyo suuq baaris
(market research). Cutubka
maaliyadda xisaabaadku wuxuu ka waramayaa sida loo helo
maalgelin xalaal ah iyo sida loo
maareeyo maalgelintaas.
Cutubka istaraatiijiyaduna, wuxuu guudmar ku samaynayaa
sida loo sameeyo istaraatiijiyad
shirkadda gaarsiin karta koboc.
Buuggan, oo ujeeddadiisa ugu
weyni la xirriirto, sare u qaadista tirada iyo tayada ganacsiga
iyo ganacsatada Soomaalida,
laba kooxood ayaa si gooni ah
niyadda loogu hayey markii
la qorayey: (1) dadka ku talo
jira in ay yagleelaan ganacsi
gaarsiin kara himilooyinkooda
- himilooyinkaasi ha noqdeen
maalqabeennimo ama in ay
magac ku dhex yeeshaan mujtamaca; iyo (2) dadka ku dhex
jira ganacsiga, laakiin, jecel in
ay wax ka beddelaan jihada ay
u socdaan iyo xawliga ay ku soconayaan labadaba.
Maaddaama buuggu u qoran
yahay qaab akadeemig ah,
waxaa loo isticmaali karaa koorsooyinka ‘entrepreneurship and
small business management’ ee
sannadaha 2aad ama 3aad ee
jaamacadaha dalka. Waxaa sidoo kale buugga wehel iyo saaxiib ka dhigan kara siyaasiyiinta
iyo aqoonyahannada ku hawlan sidii sare loogu qaadi lahaa
tirada iyo tayadda ganacsiga
Soomaalida.
Maxaa ku cusub daabacaadda 2aad
Mahad Eebbe, daabacaaddii
1aad ee buuggu: waxay gaartay
ganacsato, aqoon yahanno iyo
dadweyne fara badan oo ku kala
nool daafaha caalamka; waxaa
muqarrar ahaan looga isticmaalay xarumo cilmi iyo aqoon oo
ku yaalla dhammaan dhulka
looga hadlo luuqadda Soomaaliga; waxaa shaqaalohooda u
gaday sharikaad fara badan;
waxaa isticmaalay siyaasiyiin iyo
mas’uuliyiin fara badan. Daabacaadda labaad, waxay iyadoo
ka faa’iidaysanaysa soo jeedintii
akhristayaashaas buugga ku soo
kordhisay saddex waxyaabood:
cutubyo cusub oo loo arkay in
ay muhiim yihiin; bayaamin iyo
tafatirid aragtiyaha iyo mawaadiicda qaarkood; dib u eegis
dhanka luuqadda iyo cusboonaysiin xogaha qaarkood.
Dhanka cutubyada, waxaan ku
soo kordhinay saddex cutub:
dowrka dowladda ee ganacsiga; anshaxa ganacsiga iyo
moodeelka ganacsiga. Dhanka bayaaminta iyo tafatirista,
waxaan dib u qurxin iyo dib u
qaabayn buuxda ku samaynay
dhammaan buugga. Dhanka
hagaajinta qaab qoraalka iyo
cusboonaysiintana, waxaan dib
u eegis buuxda ku samaynay isbeddellada xogaha iyo hab dhigaalka buugga.
7