Modeelka Ganacsiga:
Aqoon dad badan ka daahan
2
003-dii ayaa shirkadda
Apple waxay soo saartay
‘iPod’ (aalad yar oo lagu
duubto laguna dhegaysto heesaha). Isla xilligaas, waxay kaloo
soo bandhigtay adeeg ay u bixisay ‘iTunes’ oo ahaa bakhaaro
internet-ka yaalla oo heesaha
lagu kaydiyo lagagana duubto
iPodka. Apple, ku talaggal iyo
ku taloggal la’aan mid ay noqotaba, muddo yar gudohood, labadii aaladood ee cusbaa, iPod
iyo iTunes, waxay abuureen saylad cusub oo muuqaal ahaan iyo
magac ahaanba wax weyn ka
beddeley shirkaddii Apple. Labadii adeeg ee cusbaa waxay dhinac ka noqdeen meesha dakhliga
ugu badani ka soo galo shirkadda, dhinacna waxay sare u qaadeen qiimihii suuqa ee shirkadda
(market capitalization). Dhinaca
dakhliga, labadaas adeeg waxay
Apple sannadkii soo gelinayeen
lacag sare u dhaafaysa $10 bilyan,
dhinaca qiimahana, meesha qiimaha shiraddu 2003-dii uu ahaa
$1 bilyan, 2007-dii wuxuu madaxa
la sii dhaafayey $150 bilyan.
8
Shan sano ka gadaal, Apple,
waxay iyadoo isticmaalaysa isla
beegaalkii 2003-dii, mar labaad,
soo bandhigtay laba aaladood
oo cusub, iPhone iyo Appstores.
2012-dii oo kaliya, waxay gadeen
wax ka badan 100 milyan oo
iPhone ah, iibookoodu wuxuu
sare u dhaafayey $170 bilyan,
qiimaha sayladda ee shirkadduna
wuxuu madaxa la galay $700
bilyan.
Nasiib wanaag iyo nasiibdarro
midkii la yiraahdaba, Apple, ma
ahayn shirkaddii u horraysay oo
soo bandhigta tiknoolojiyadaas
cusub. Apple horteed waxaa jirey
laba shirkadood oo midna soo
bandhigtay aaladdaas 1998-dii
midna soo bandhigtay sanadkii
2000. Meesha, Apple ay tiknoolojiyadaas cusub dhaqaale
iyo sumcad u soo kordhiyeen,
labadaas shirkadood, in asktoo tiknoolojiyo ahaan aysan
ka dhicin midda Apple, haddana, midkoodna dhaqaale iyo
sumcad kama kororsan. Waxa
tiknoolojiyada Apple ka dhigay
xiddig iftiinkeeda la higsado,
kuwii sharikaadka kalena, faa’iido
iyo sumcad laga helo iska daaye,
magacooda loo maqli waayey
ayaa ka mid noqotay mawaadiicda ugu badan ee 20-kii sano
ee la soo dhaafay lagaga doodo
fagaarayaasha lagu barto ganacsiga.
Apple hal wax ayay dheerayd
shirkadahaas - waxay isticmaashay moodeel g anacsi oo
wax weyn, oo la taaban karo,
ka beddelay hab-ganascisgii
muusikada iyo heesaha. Apple
waxay gadaal-gadaal u akhriday
moodeelkii ganacsiga ee Gillette. Gillett-na waa shirkad soo
saarta sakiimaha garka la isaga
xiiro iyo mashiinno yar-yar oo la
geliyo sakiimahaas. Si Gillett ay
macaammiil joogto ah u hesho
waxay lacag la’aan ama qiime
aad u jaban dadka ku siiyeen
mashiinkii. Qofkuna, si uu u isticmaalo mashiinka waxa khasab ku
noqotay in uu iibsado sakiimo.
Sakiimaha kaliya ee mashiinkaas
geli karaana waa sakiimaha ay
www.buuh.net