DHAMBAAL | Page 9

“ FURAHA GANACSIGA Moodeelka ganacsigu waa muuqaal sharaxaad buuxda, oo caqli gal ah, ka bixiya: sida shirkadi u abuuri doonto adeeg/ badeecad; u gaarsiin doonto macaamiisheeda; ugana samayn doonto faa’iido. soo saarto Gillette. Maxay sameeyeen Apple? Apple waxay aad u raqiisiyeen sicirkii heesaha (sakiimihii, haddaan isticmaalno tusaalaha Gillette) ka dibna dadkii ayay sicir sare kaga iibiyeen iPod-kii (mashiinkii la gelinayey sakiimaha). Moodeelkaas cusub ayaa loo tiiriyaa in uu Apple dhaxalsiiyey in ay noqoto horyaalka sharikaadka ilaa ay gaartay heer ay noqoto shirkadda ugu qaalisan, marka la fiiriyo qiimeheeda sayladda; shirkadda ugu ikhtiraac fiican, marka la fiiriyo tirada ikhtiraacaadka ah ee ay soo bandhigtay; iyo shirkadda ugu magac dheer adduunka, marka la fiiriyo hadal haynteeda warbaahinta. Marka laga soo tago Apple waxaa jira sharikaad badan oo asbaabo la xiriira habisticmaalkooda moodeelka ganacsiga noqday horyaalka sayladahooda. Tusaale ahaan Wal Mart iyo Target labaduba waa horyaalka sayladaha tafaariiqda, waddammada qaarkoodna waxayba kantaroolaan 75%. Meesha sharikaadka diyaaradaha ee tigidhadoodu raqiiska yihiin aan la aqoon 20 sano ka hor, maanta waddammada qaarkood waxay kantaroolaan 60% sayladaha duullimaadka diyaaradaha. Skype, intii aysan Microsoft ku gadan $8.5 bilyanna waxay soo jiidatay 400 milyan oo macaamiil ah. Meesha adeegyada Google aan 10 sano ka hor cidna aqoon, maanta waa shirkadda labaad ee ugu weyn sharikaadka tiknowww.buuh.net olojiyada caalamka. Sheekadu kuma koobna dhowrkaan tusaale ee waxaaba jira xogo muujinaya in 50% sharikaadkii la yagleelay 10-kii sano ee la soo dhaafay ee ka mid noqday sharikaadka ugu waaweyn caalamka ama Fortune 500 in ay heerkaas ku gaareen hab-isticmaalkooda moodeelka ganacsiga. In kastoo, daraasad ay dhowaan soo bandhgtey ‘Economic Intelligence Unit’ ay muujisay in moodeelka ganacsigu ka mid yahay waxyaabaha sharikaadka u horseeda koboc iyo faa’iido, haddana, sidaas oo ay tahay, moodeelka ganacsigu waxaa lagu daraa waxyaabaha loogu aqoonta yar yahay, loogu fahanka yar yahay, looguna isticmaalka yar yahay. Waa maxah moodeelka ganacsigu? Moodeelka ganacsigu waa laba weedhood oo la isu geeyey: moodeel iyo ganacsi. Ganaciga garanay, ee waa maxay moodeel? Moodeel luqad ahaan, waa shay wax lagu suureeyo ama wax ka samaysan metelaad shay oo inta badan ka muuqaal yar shayga lagu suureeyey. Tusaale ahaan, arkitektiyadu (injineerada dhismayaasha naqshadeeya) inta aan guriga la dhisin waxay soo bandhigaan gurigii oo moodeel ah; dadka wax naqshadeeya inta aysan badeecad cusub samayn waxa ay soo bandhigaan badeecaddii oo naqshadaysan. Moodeelka ganacsigu waa muuqaal sharaxaad buuxda, oo caqli gal ah, ka bixiya: sida shirkadi u abuuri doonto adeeg/ badeecad; u gaarsiin doonto macaamiisheeda; ugana samayn doonto faa’iido. Moodeelka ganacsigu wuxuu ka jawaabaa su’aalihii faca weynaa ee Peter Drucker: waa kuwama macaamiisheennu? Maxayse qiimeeyaan? Moodeelka ganacsigu wuxuu sidoo kale ka jawaabaa su’aalo badan oo aasaasi ah oo khasab ku ah in shirkad kasta is waydiiso: sidee lacag uga samaynaynaa ganacsigaan? Maxad ka kororsan doontaa cutubkaan? Cutubkan, oo ka mid ah cutubyada ku cusub buugga Furaha Ganacsiga, wuxuu: marka hore muuqaal kaa siinayaa moodeellada loogu isticmaalka badan yahay. iyo waaxyaha moodeelladaasi ka kooban yihiin; wuxuu marka xiga si tallaabo-tallaabo ah kuu tusayaa sidaaad u samayn lahayd moodeel ganacsi oo shirkaddaada gaarsiiya himilooyin aadan hore ugu hammin. AKHRI OO ISTICMAAL..... Ka dalbo: t. 44 (0) 7838236171 e. [email protected] w. www.buuh.net 9