DHAMBAAL | Page 10

ANSHAXA GANACSIGA “A merchant does better to take a loss than to make a dishonest profit” Chilon. Greek Philosopher, 560 B.C. Weedha, ‘anshax’, marka dadka badidiisu maqlaan waxa maskaxdooda ku soo dhaca: dhaqanwanaag, hufnaan, toosnaan, dhowrsoonaan, sarriigasho, han, xishood, xumo ka caagid iyo kelmado la mid ah. Qaar kale, anshaxa waxay la xiriiriyaan waxa garashadoodu u garawsato in uu sax yahay. Qaar kale, anshaxa waxay u arkaan wixii bulshadu qummanaan u aragto. Qaar kale, anshaxa waxay la xiriiriyaan diinta. Qaar kalena, wixii waafaqsan ‘xeerka dahabka ah’. Qaamuuska af-Soomaaliga ee Yaasiin C. Keenadiid, anshaxa, wuxuu ku macneeyaa “xeerarka dhaqanwanaagga iyo bulshannimada”. Qaamuuska af-Ingiriiska ee Oxford-na mar wuxuu ku macneeyaa “qawaacidda haga hab-dhaqanka qof ama koox”, marna “cilmiga lagu derso damiirka”. Damiirkuna, waa xeerka nagi ee qof ama kooxi ku kala saarto khaladka iyo saxa ama waxa xun iyo waxa fiican. Xeerarkaas negina, in kastoo ay is bed-beddelaan, qofkana ka soo galaan albaabbo badan, haddana, waxay qofka laabtiisa ku guntamaan inta uu yar yahay. 10 Xuseen (1997) anshaxa wuxuu ku qeexaa ‘xeerarka asluubta toosan ee xukuma qofka iyo camalkiisa’. Velesques (2002) anshaxa wuxuu ku qeexaa “cilmiga lagu derso damiirka dadka ama bulshada”. Marquaes (2012) anshaxa waxay ku qeexdaa “xeerarka haga hab dhaqa nka qof iyo bulsho”. Markaad qeexidahaas isu keentid waxaad arkaysaa in: anshaxu yahay cilmi la barto; uu leeyahay xeerar iyo qawaacid haga; uu leeyahay mastarado lagu cabbiro; uu yahay wax, sida iimaanka, korna u kici kara hoosna u dhici kara. Anshaxa ganacsiguna waa laan ka mid ah laamaha anshaxa oo lagu derso xeerarka negi ee dhaqanwanaagga iyo bulshannimada iyo saamaynta xeerarkaasi ku leeyihiin wax kasta oo xiriir la leh ganacsiga. Anshaxa ganacsigu wuxuu, sidoo kale, muujiyaa hab-dhaqanka iyo heemaalka gundhiga u ah go’aammada ganacsatada. Inta badanna, sida laga fahmayo oraahdii Einstein ee micneheedu ahaa “nisbiyada waxaa loo adeegsadaa Fisigiska ee looma adeegsado anshaxa”, anshaxa waxaa saldhig u ah hal wax: in wax kasta oo la qabanayo lagu saleeyo xeerarka negi ee damiirka. Xeerarkaasna waxaa saldhig u ah, oo qayb ahaan, ay ku xiran yihiin anshaxa iyo damirka ganacsadaha. Ganacsatada, sida dayaxu uga dhex muuqdo xiddigaha, uga dhex muuqda sayladda ganacsiguna, sida daraasado badani muujiyaan, waa ganacsato leh aasaas ma guuraan ah oo ku salaysan xeerarkaas negi. Ganacsatadaasi wax kasta oo ay qabanayaan waxa ugu horreeya oo ay ka fiiriyaan waa jaanibka anshaxa. Haddaan si kale u qoro, meesha ganacsatada kale, himiladoodu, si lagu hantaba ku kooban tahay in faa’iido la helo, ganacsatada anshaxa leh, himiladoodu waa in faa’iido la helo iyadoo aan laga gudbayn xudduudaha sugan ee anshaxa, ama haddaan isticmaalno oraahdii Chilon, filosoofkii Giriigga ahaa ee noolaa 560 dhalashadii Nebi Ciise (cs) ka hor, “meeshii khiyaamo lagu hodmi lahaa in la khasaaraa ka roon”. Marka la dersayo anshaxa gawww.buuh.net