DHAMBAAL | Page 11
“
FURAHA GANACSIGA
Waxaa maanta la isku raacsan yahay in ummaddii aan
lahayn xeerar negi iyo xudduudo anshax oo aan la tallaabi
karin nidaamkooda dawliga ahi noqdo mid ku salaysan
laaluush, musuqmaasuq iyo isdabammarin.
nacsiga, saddex wax ayaa la
fiiriyaa: nidaamka, shirkadda iyo
shakhsiyaadka. Nidaamku, waa
wax ka baxsan shirkadda laakiin
saamayn mug weyn ku leh habdhaqanka shirkadda, wuxuuna la
xiriiraa dhaqaalaha, siyaasadda,
xeerarka iyo nidaamyada bulsho
ee saamaynta ku leh ganacsiga.
Marka la fiirinayo shirkadda,
waxaa toosh lagu ifiyaa hawlaha shirkaddu qabto, siday u
qabto, siyaasadaha haga, hab
dhismeedka, iwm. Marka laga
hadlayo shkhsiyaadkana waxaa la
fiiriyaa habdhaqanka shaqaalaha
iyo toosnaanta go’aammada ay
gaaraan, iwm. In kastoo saddexdaas walxood mid walba goonidiisa loo fiiriyo, haddana, xiriir
xooggan ayaa ka dhexeeya.
Tusaale ahaan, nidaamka dawliga
ahi saamyn weyn ayuu ku leeyahay hab-dhaqanka shirkadaha
iyo shakhsiyaadka labadaba.
Sidoo kale, qorshaha, xeerarka
haga, hab-dhismeedka iyo hannaanka maammul ee shirkaddu
saamayn weyn ayuu ku leeyahay
hab-dhaqanka shakhsiyaadka.
Dhinaca kalena, waxaa la oran
karaa, maaddaama bulshadu
ka kooban tahay dad isu tegey,
haddii, anshaxa dadkaasi hagaago, waxaa hagaagaya anshaxa
hey’adaha iyo sharikaadka ay
dadkaasi yagleelaan ama ka
shaqeeyaan. Marka sharikaadku
noqdaan kuwo nidaamkooda
www.buuh.net
maamul iyo hoggaaminna salka
ku hayo anshaxna waxaa dhisma
nidaam dawli ah oo hagaagsan.
Dhinac kasta oo laga bilaabo, i.e.
kor ama hoos, waxaa maanta la
isku raacsan yahay in ummaddii
aan lahayn xeerar negi iyo xudduudo anshax oo aan la tallaabi
karin nidaamkooda dawliga ahi
noqdo mid ku salaysan laaluush,
musuqmaasuq iyo isdabammarin; hab-dhaqanka sharikaadkoodu wuxuu noqdaa kuwo aan
u nixin dad iyo bey’ad toonna
ee ka fekera jeebkooda; shakhsiyaadkuna waxay noqdaan kuwo
sidii duurjoogtii siday u kala xoog
badan yihiin isu ugaarsada.
Maxaad ku baran doontaa
cutubka Anshaxa Ganacsiga?
Cutubkani, in kastoo uu marka
hore dhinacyo badan nalal
kaga shidayaa weedha anshaxa,
haddana, nalka ugu iftiinka weyn
wuxuu kaga shidayaa dhinaca Islaamka. Wuxuu qaadaa
dhigayaa ahmiyadda Islaamku
siiyey guud ahaan anshaxa, gaar
ahaan anshaxa ganacsiga iyo
martabadda la gaarsiiyey ganacsadaha anshaxa fiican. Wuxuu sidoo kale cutubkaani ka hadlayaa
asbaabaha keena in anshaxa
ganacsatadu, marmar, xumaado
iyo sida loo dawayn karo.
wuxuu sidoo kale cutubkaani
muuqaal fiican kaa siinayaa
sidaad ganacsigaaga uga dhigi
lahayd mid anshax ku salaysan
ama sidaad u Islaamayn lahayd
(Islamization of business).
Buugga Furaha
Ganacsigu waa buug:
• Si cilmiyaysan kuu fahansiinaya
sida loo helo fikrad ganacsi, sida
loo horummariyo iyo sida loogu
beddelo ganacsi shaqaynaya;
• Si fiican kaaga haqab tiraya
sidaad ku xulan lahayd ganacsi
samayn kara koboc iyo faa’iido
fiican, iskana caabbin kara tartanka;
• Tallaabo-tallaabo kuu tusaya
sidaad u samayn lahayd moodeel ganacsi, qorshe ganacsi,
qorshe suuqgeyn, qorshe maaliyadeed iyo mid istaraatiiji ah;
• Daawo u raadinaya waxyaabaha
ganacsatada Soomaalidu ku
liitaan sida: istaraatiijiyada,
tartanka, maaliyadda iyo suuqgeynta.
Maaddaama ay jiraan sharikaad
markii la yagleelayey aan anshaxa siin ahmiyadda uu lahaa,
11