DHAMBAAL | Page 12
DOWRKA Dowladda iyo
Ganacsiga Yar-yar
I
n kastoo, ganacsatadu yihiin dadka qaata go’aanka
yagleelidda, kobcinta ama
soo af-meerista ganacsiyada,
haddana, siyaasadaha dawladdu
saamayn wayn ayay ku yeeshaan
dhalashada, koboca iyo fashilka
ku yimaada ganacsiyada yaryar intaba. Meesha siyaasadaha
qaarkood dhiirrigeliyaan ganacsiga iyo ganacsatada, kuwo kale
way dabraan ama niyad jab ayay
ku ridaan qof kasta oo ama ku
hamminayey ama ku dhex jirey
ganacsiga. Sidaas aawadeed,
waxaad arkaysaa in dawladaha
oo dhammi leeyihiin siyaasad
qeexan oo ku wajahan sidii ay
sare ugu qaadi lahaayeen tirada
iyo tayada ganacsiyada yar-yar.
Ujeeddada ugu weyn ee ka
dambaysa siyaasaddaasina waa
sidii waddan walba u noqon
lahaa meesha ugu fiican ee laga
yagleelo ganacsi. Si loo gaaro
himiladaasna waxaa muhiim ah
in dawladuhu soo bandhigaaan
siyaasad garab iyo gaashaan u
noqota ganacsiga iyo ganacsatada oo aysan soo bandhigin
siyaas ad niyad jab ku noqota
12
ganacsatada.
Meesha dhaqaalayahannada
qaarkood, siiba kuwa u dooda
suuqa xorta ah, ay ku doodaan
in dawladdu aysan wax faragelin
ah ku samayn ganacsiyada yaryar, qaar kale waxay arkaan in
dawladda ay mas’uuliyad adagi
ka saaran tahay ganacsiyada yaryar. Meesha kooxda hore aamminsantahay in suuqu noqodo
meesha kala saarta ganacsiga
iyo ganacsatada, kooxda dambe
waxay ku dooddaa in siyaasadda dawladdu saamayn weyn
ku yeelan karto caafimaadka
iyo waxtarnimada sharikaadka
yar-yar. Saddexda asbaabood oo
dawladda khasab kaga dhigaysa
in ay la timaado siyaasado saalix
u ah ganacsiga iyo ganacsatada,
kooxdaasina ku doodaan waxay
kala yihiin:
1
Dawladdu waxay dejisaa
xeerarka:
Xeerarka iyo shuruucda dawladdu dejiso ayaa qeexa nidaamka
ganacsi ee waddan, muuqaalka
sharikaadka, xudduudaha ga-
nacsiga iyo ganacsatada, hab
socodka hawlaha goobaha
ganacsiga, iwm. Sidoo kale,
dawladdu waxay dejisaa xeerarka
xaddida: xuquuqda shaqaalaha
iyo goobaha shaqada, xuquuqda macaamiisha, xuquuqda
dhismayaasha iyo bay’adda,
waxyaabaha ka hor imaanaya
caafimaadka, waxyaabaha khatar
gelinaya nolosha mujtamaca,
ruqso siinta, iwm. Maaddaama
xeerarkaasi xakamayn karaan
ama dar-dar gelin karaan yagleelidda iyo koboca sharikaadka
yar-yar, siiba waqtiyada hoos-udhaca-dhaqaale, waxaa muhiim
ah in dawladuhu si feejignaan
leh dib ugu fiiriyaan xeerarkooda
iyo shuruucdooda ganacsiga.
Sida ay daraasado badani muujiyaan, fiiri Bangiga Adduunka
(2011), tirada, tayada iyo noocyada sharikaad ee ka abbuurma
waddan, qayb ahaan, waxay
ku xiran yihiin darbiyada (xeerarka) dawladahaasi hor dhigaan
shacabkooda. Dawladdii xeerar
adag hor dhigta shacabkeeda,
waxa yaraada sharikaadka ka
dhex abuurma. Dawladdiise
www.buuh.net