“
FURAHA GANACSIGA
Meesha, waddammada faqriga ah, sharikaadka yar-yari
yihiin aaladda ugu muhiimsan ee lagula dagaallamo faqriga iyo dib-u-dhaca, waddammada koboca dhaqaale samaynaya (emerging economies), sharikaadka yar-yari waa
mashiinka horummarka iyo casriyaynta.
fududaysa xeerarkaas waxa bata
sharikaadka cusub ee la yagleelayo.
Tusaale ahaan, meesha qofkii
raba in uu shirkad cusub ka
abuuro waddanka Yugaandha uu
hortegayo 45 hay’adood, buuxinayo 65 xeer oo kala duwan,
uuna la xiriirayo 254 waaxood oo
kala duwan; Kenya ay qaadato
32 cisho in qofi shirkad cusub
diiwaangeliyo; Burundina ay
qaadato 2 bilood in qofku beddelo magaca shirkaddiisa; Ruwaanda qofkii raba in uu shirkad
cusub yagleelo waxa uu tegayaa
laba xafiis oo kaliya, waxayna
ku qaadataa laba maalmood.
Isbeddellada muga weyn ee
Ruwaanda ku samaysay xeerarkeeda ganacsiga yar-yar waxay
Ruwaanda dhaxalsiisay in ay ka
mid noqoto waddammada ugu
fiican ee ganacsi laga yagleeli
karo Africa. Tusaale ahaan, 2010kii oo kaliya Ruwaanda waxay
soo jiidatay maalgelimmo sare u
dhaafaya USD 1.1 bilyan .
meelaha ganacsiyada ugu yar
laga diiwaangeliyo adduunka.
Marka la fiiriyo tirada sharikaadka diiwaangashan, 1000-kii qofba
waxa ku soo aadaya 0.4 ganacsi,
meesha Afrika inteeda kale tiradaasi celcelis ahaan tahay 1.2
ganacsi 1000-kii qofba.
Arrinta kore, i.e. in isbeddel la
taaban karo ku imaanayo tirada
iyo tayada sharikaadka laga
yagleelayo waddan haddii isbeddel lagu sameeyo xeerarka iyo
shuruucda ganacsiga iyo sharikaadka ma aha arrimo ku kooban Afrika oo kaliya. Sida uu soo
guuriyo ‘Doing Business 2012’,
waxaad arkaysaa: in isbeddel yar
oo nidaamka diiwaangelinta ah
oo Dawladaha Hoose ee Mexico
sameeyeen uu sare u qaaday 5%
shirkadaha laga diiwaangelinayo
waddankaas; in isbeddel yar
oo Hindiya ku samaysay xeerkii
‘License Raj’, xeerka diiwaangelinta, ay sharikaadka cusub ee
samaysmaya sare u kaceen 6%;
in asbaabo la xiriira hey’adaha
maammula diiwaangelinta, ogDhinaca Soomaaliya, daraasgolaansho siinta iyo kormeerka
ad dhowaan lagu sameeyey
sharikaadka oo hal meel la isugu
Hargeysa ayaa muujisay in qofka keenay (one-stop-shop) ay sharishirkad cusub oo xudduud leh
kaadka cusub ee samaysmaya
(LTD) diiwaangelinayaa in uu la
waddanka Colombia sare u
kulmo shan hey’adood, buuxiyo
kaceen 5.2%, meesha waddanka
11 xeer, ku qaadato 29 maalBortuqaalna ay sare u kaceen
mood, uguna kacdo kharashka
17%.
ugu badan caalamka. Waqtiga
dheer ee ay qaadato, kharashka
Dawladda oo soo bandhigta
sare iyo tirada xeerarka la buuxi- xeerar u debecsan yagleelidda
nayo waxay Hargeysa ka dhigtay iyo koboca sharikaadka yar-yari
www.buuh.net
sare uma qaado tirada sharikaadka oo keliya ee waxay sidoo
kale wax weyn ka beddeshaa
muuqaalka mustaqbal iyo heerka
horumar ee dawladaha. Tusaale
ahaan, waddanka Singabore oo
10-kii sano ee la soo dhaafay,
asbaabo la xiriira isbeddello
waaweyn oo dawladdu ku samaysay xeererka sharikaadka,
ahaa waddanka ugu fiican adduunka ee laga bilaabo ganacsi
cusub, maanta waa hormuudka
caalamka dhinaca horumarka iyo
tiknoolojiyada. Meesha dakhliga
soo gala qofkii uu 1965-tii ahaa
$500, 2012-kii wuxuu madaxa la
dhaafayey $56,500. Sidoo kale,
isbeddello waddanka Vietnam uu
ku sameeyey xeerarka sharikaadka yar-yar 2003-dii, sharikaadka
yaryari waxay abuureen wax ka
badan 10 milyan oo shaqo.
2
Dawladdu waxay mas’uul ka
tahay dhaqaalaha:
Dhaqaaluhu waa laf-dhabarta
jiritaanka ummadaha, aasaaska
dawladnimo iyo iftiinka nolosha.
Dawladdu dhaqaalaha waxay
ka ururisaa shacabka, waxayna
dib ugu celisaa shacabka. Sidaas
aawadeed, siyaasadda canshuuraha, lacagta, daymaha iyo
maalgelimahu waxay saamayn
ku yeeshaan go’aanka yagleelidda ganacsiyo cusub. Tusaale
ahaan, canshuuraha oo si aad ah
sare loogu qaado waxay niyad
jab ku keenaan dadka jecel in
ay yagleelaan ganacsi cusub.
13