FURAHA GANACSIGA
“
Sharikaadka yar-yari ma laha awood ay ku soo saaraan xirfadlayaal dabooli kara baahidooda; sida sharikaadka waaweyn,
ma laha awood, ay ku shaqaaleeyaan dad khubaro ah; mana
awoodaan in ay soo gataan dhammaan adeegyada ay u baahan yihiin, sida la talinta iyo macluumaadka.
S idoo kale, helitaanka lacagaha
deymaha ah oo ciriiri gala ama
kharashaadka deymaha oo sare
u kaca waxay cabsi ku furaan
dadka niyadda ku haya in ay
yagleelaan shirkad cusub.
Maaddaama sharikaadka yar-yari
qayb weyn ka qaataan dhaqaalaha iyo horummarka, sida shaqoabuurista, ikhtiraaca iyo koboca
dhaqaale, waxay qayb weyn ka
yihiin nidaamka dhaqaale ee
dawladda. Arrimahaasi, sida middii hore waxay waajib dawladda
kaga dhigaysaa soo bandhigista
siyaasad dhiirrigelin iyo niyad
dhis u samaysa ganacsatada iyo
ganacsiyada yar-yar.
3
Dawladda iyo qorshaha
mustaqbalka:
Dawladuhu waxay dejiyaan
qorshayaal saamayn weyn ku
yeesha bilaabista iyo kobcinta
ganacsiyada. Qorshayaashaasi
waxay noqon karaan kuwo
heer waddan, heer gobol ama
heer degaan. Waxay noqon
karaan kuwo la xiriira muuqaalka
dhaqaale iyo horumar ee degaan. Waxay sidoo kale noqon
karaan kuwo istaraatiiji ah. Mid
ay noqotaba, qorshayaashaasi
saamayn weyn ayay ku yeeshaan
bilaabista iyo kobcinta ganacsiga.
Tusaale ahaan, dawladuhu, si ay
u hirgeliyaan qorshayaashooda
mustaqbalka waxay bixiyaan
qandaraasyo, deeqo, daymo,
macluumaad, iyo waxyaabo kale
oo dhammaantood saamayn
14
toos ah ku yeesha ganacsiyada
yar-yar. Dawladuhu waxay sidoo
kale mas’uul ka yihiin waxyaabo
kale oo saamayn toos ah iyo
mid aan toos ahaynba ku yeesha ganacsiyada. Tusaale ahaan,
waxbarashada iyo xirfadaha;
cilmibaarista; suuqgeynta; iyo
heshiisyada caalamiga ah.
Sidoo kale, maaddaama dawladdu mas’uul ka tahay dejinta istaratiijiyada mustaqbalku,
waxaa dawladda waajib ku ah
in sharikaadka yar-yari ay qayb
weyn ka noqdaan istaraatiijiyadda mustaqbalka ee dalka.
Tusaale ahaan, marka la dejinayo
istaraatiijiyadda ku aadan sidii
awoodda tartanka ee dalka sare
loogu qaadi lahaa ama loo soo
jiidan lahaa maalgelimo, waxaa
muhiim ah in istaraatiijiyaddaasi
il gaar ah ku eegto sidii ganacsiyada yar-yari qayb uga noqon
lahaayeen istaraatiijiyaddaas.
Bennett (2006) wuxuu ku daraa
asbaab afraad oo khasab ka
dhigta in dawladdu gacan
hagar la’aaneed siiyaan ganacsiyada yar-yar. Wuxuu yiraahdaa
waxa jira caqabado badan, oo
haddaan dawladdu faragelin ku
samayn, cimri deg-deg ku rida
sharikaadka yar-yar. Haddaan fiirino asbaabtaan, waxaad arkaysaa in sharikaadka yar-yari aysan
lahayn awood ay ku maalgeliyaan ama ku hormariyaan wax
kasta oo qayb ka noqon kara
horummarkooda mustaqbalka.
yari ma laha awood ay ku soo
saaraan xirfadlayaal dabooli kara
baahidooda; sida sharikaadka
waaweyn, ma laha awood, ay
ku shaqaaleeyaan dad khubaro
ah; mana awoodaan in ay soo
gataan dhammaan adeegyada
ay u baahan yihiin, sida la talinta
iyo macluumaadka. Maaddaama
awoodda sharikaadka yar-yari si
aad ah u xaddidan yihiin, waxaa
dawladda waajib ku ah in ay soo
bandhigaan siyaasado garab iyo
gaashaan u noqon kara ganacsatada iyo ganacsiyada yar-yar
sida shuruucda oo qaar laga
fududeeyo, la talin iyo macluumaad siin.
Maxaad ku baran doontaa
cutubka Dawladda iyo ganacsiga
yar-yar?
Cutubkaan, dawladda iyo ganacsiga yar-yar, wuxuu marka hore
sharaxaad kooban ka bixinayaa
dowrka dowladda ee ganacsiga
yar-yar, wuxuu sidoo kale wax
ka tilmaamayaa sida dawladuhu
garab iyo gaashaan ugu noqon karaan sharikaadka yaryar.
Waxaad si fiican u fahmi doontaa
sida dawladuhu u diyaariyaan
una hirgeliyaan siyaasadda
ganacsiga iyo sida loo hubiyo
in siyaasadahaasi horseedeen
himilooyinkii loo astay.
Ka dalbo:
t. 44 (0) 7838236171
e. [email protected]
Tusaale ahaan, sharikaadka yarwww.buuh.net