DHAMBAAL | Page 6

Buugga ‘Furaha Ganacsigu’ waa buuggii u horreeyey ee ka hadla bilaabista, badbaadinta iyo kobcinta ganacsiga; ku qoran af-Soomaali; una qoran qaab cilmiyaysan. B 6 uuggan, oo ah buuggii ugu horreeyey ee ka hadla bilaabista, badbaadinta iyo kobcinta ganacsiga, ku qoran af-soomaali, una qoran qaab akadeemig ah, cutubyadiisa iyo qaabka uu u qoran yahay labadaba waxa saldhig u ahaa saddex arrimood: (1) cashar diyaarin la xiriirta maaddada antrabranoornimada iyo ganacsiga yaryar (entrepreneurship and small business) oo aan ka dhigi jirey macaahid sare oo ku yaala Boqortooyada Ingiriiska (UK) sannadihii 2001-2005; (2) daraasado aan ku sameeyey ganacsiga iyo ganacsatada Soomaalida sannadihii u dhexeeyey 20012008; iyo (3) waaya’aragnimo gaammurtay oo la xiriirta la talinta sharikaadka yar-yar iyo kuwa dhexe oo aan ka shaqaynayey intii ka dambaysay 1996dii. Buuggan, waxaa sidoo kale saldhig u ah, daraasad socotay muddo labo sano ah oo koobtay: xaaladda uu qofka Soomaaliga ahi ku sugan yahay inta uusan bilaabin ganacsiga; noocyada ganacsiga ee Soomaalidu xushaan iyo asbaa- baha ay ku xushaan; qaabka ay fikradda ku helaan, qaabka ay u horummariyaan iyo qaabka ay u qiimeeyaan; asbaabaha keena in ganacsiyada Soomaalida qaar kobcaan, qaarna dhintaan; duruufaha maammul iyo hoggaamin ee soo wajaha sharikaadka Soomalida; qaabka suuqgeynta iyo xisaabaadka maaliyadda ay u sameeyaan; iyo qaabka ay u fahmaan isagana caabiyaan tartanka. Guud ahaan saddex qaybdood ayuu buuggu ka kooban yahay. Qaybta 1aad, fahanka ganacsga www.buuh.net