adduunka. Tusaale ahaan, qofka
akhriya buugga Furaha Ganacsigu waa in uu awood u yeesho
in intuu suuqa isha mariyo uu
arki karo meelaha fursada ganacsi ku jiraan; ka dibna uu curin
karo fikrad ganacsi, ka dibna uu
fikraddii u beddeli karo fursad
maalgelin lagu samayn karo, ka
dibna uu u beddeli karo ganacsi
shaqaynaya. Sidoo kale, waa
in qofku kala arki karo waddooyinka koboca iyo guusha iyo
waddooyinka fashilka iyo guul
darrada.
Sidoo kale, buugga ‘Hoggaamiye’ qofka akhriya, hadduu hadda
hoggaamiye yahay iyo hadduu
isu diyaarinayo siduu u noqon
lahaa hoggaamiye mustaqbalka,
waa in uu ku qalabeeyo aalado
(tools) uu ku fahmo caalamka,
ku fahmo dadka uu hoggaamiyo, u fududeeya in uu gaaro
go’aammo sax ah, dadka ama
hey’adda uu hoggaamiyana
gaarsiiyo hiraalkeeda iyo himilooyinkeeda.
Ugu dambayn, buugga ‘Bangiyada Islaamku’, waa buug ujeeddadiisu tahay in dadka, shirkadaha, hey’adaha iyo dawladuhuba
horummar gaaraan iyagoo aan
ka baxayn xudduudaha xalaasha.
Wuxuu soo bandhigayaa sida
loo sameeyo shirkad ku salaywww.buuh.net
san wax isku darsi ama guri loo
gato ilaa laga gaaro sida loo
sameeyo mashaariic waaweyn
oo u baahan malaayiin doolar
(sukuk). Waa buug wax walba ka
fiirinaya maqaasida shareecada.
Waa buug qofkii barta uu, idanka
Eebbe, helayo badbaado adduun iyo mid aakhiro labadaba.
Marka, haddaan dib ugu noqdo
su’aashaadi, asbaabta keentay in
aan u qoro qaab qoraal cilmi ah
waa in qofku yeesho aqoon iyo
awood. Aqoon, si uu wax kasta
ugu fahmo, si cilmi ah; awood,
si uu isagoo naftiiisa ku kalsoon
go’aammo sax ah u gaari karo.
Inkastoo, saddexda buugba
markaan qorayey aan niyadda ku
hayey ardayda dhigata waxbarashada sare, haddana si aad
ah looga isticmaalo xarumaha
waxbarashada sare ee dalka,
haddana, qof kasta oo jecel in
uu mawaadiicdaan cilmi ahaan u
fahmo ayaa ka faa’iidaysan kara.
Dhambaal: Buug afraad oo
aad daabacday ayaa ii muuqda, isaga kal mad ama laba
ma ka oran kartaa?
Saciid Cali Shire: Haa! Buuggu
waa ‘Xisaabinta iyo Maaraynta
Sakada’. Dhab ahaantii, marka
la fiiriyo mawduuca laga qoray,
qaabka loo qoray, ninka qoray
iyo macluumaadka uu xambaarsanyahay wuxuu ka mid yahay
buugaagta loogu baahida badan
yahay. Mawduucu waa rukni
ka mid ah arkaanta Islaamka;
qaabka loo qoray waa qaab
cilmiyaysan; qoraagu waa Bashiir
C/Samad Xareed, oo muddo
dheer bare ka ahaa Jaamicadda
SIMAD, aqoon durugsanna u
leh mawduuca; dhinaca macluumaadkana waa buug qofkii
akhriya uu awood u yeelanayo in
uu xisaabiyo wax kasta oo laga
sakeeyo - waxaasi ha noqdaan
wax hadda horteenna yaal,
sida xoolo iyo lacag, ama wax
mustaqbalka aan heli doonno,
sida shidaal iyo macaadin.
Dhambaal: Ugu dambayn,
halkee laga heli karaa buugaagta?
Saciid Cali Shire: Buugaagta
aniga ayaa hadda haya, dhowaanse waxaan geyn doonnaa
meel kasta oo Soomaali deggan
tahay. Marka qofkii danaynaya
wuxuu ii soo diri karaa email.
Lacagta ama waxaan siinaynaa
koonto uu ku soo shubo hadduu
joogo UK ama wuxuu ku soo diri
karaa xawaaladaha. Sidoo kale
macluumaad fara badan oo la
xiriira buugaagta ayaa ku jira
bogga www.buuh.net
5