DHAMBAAL | Page 4

Waraysi Gaar ah: Qoraa: Saciid Cali Shire Dhambaal: Qoraa Saciid Cali Shire ku soo dhowow Dhambaal. Hambalyo iyo soo dhowayn ka gadaal, waxaad dib u daabacday saddexdii buug ee Furaha Ganacsiga, Hoggaamiye iyo Bangiyada Islaamka. Maxaa keenay in dib loo daabaco saddexda buug? Saciid Cali Shire. Haa, waa dhab, oo sidaad sheegtay waxaan dib u daabacay saddexdii buug. Laba arrimoodba way keeneen in dib loo daabaco saddexda buug: Waa marka koowaade, sidaad la socotid saddexda buug waa buugaag cilmi ah oo loogu talo galay, loona isticmaalo, heer jaamicadeed. Cilmiguna ma aha wax taagan oo maalin walba waxbaa ku soo kordha. Marka ujeeddada 1aad waxay ahayd in aan buugaagta ku soo kordhino wixii aqoon ku soo korortay saddexdaas mawduuc. Waa marka labaade, saddexda buugba waxay ku salaysnaayeen cilmibaaris 4 lagu sameeyey Soomaaliya iyo Soomaalida. Waxaa sidoo kale laga isticmaalaa xarumo cilmi. Marka, ujeeddada labaad waxay ahayd in aan ku soo kordhinno waxyaabihii ku soo kordhay cilmibaaristaas aan ku samayno ganacsiga iyo hoggaanka Soomaalida iyo waxyaabihii ay lagama maarmaanka u arkeen xarumaha cilmiga ee Isticmaala saddexda buug. Dhambaal: Adigoo soo koobaya, Saciid, ma la wadaagi kartaa akhristayaasha waxyaabaha aad ku soo kordhisay saddexda buug? Saciid: Saddex wax ayaan ku soo kordhinay saddexda buug: (1) buugaagta qaarkood, sida Furaha Ganacsiga iyo Hoggaamiye, waxaan ku soo kordhinay cutubyo cusub; (2) buugaagta oo dhan waxaan ku soo kordhinay wixii cilmibaaris ama aragtiyo cusub ku soo siyaaday mawduuc kasta afarii sano ee la soo dhaafay; (3) waxaan sidoo kale ku samaynay dib u qurxin iyo dib u Ņ