“
sakada
Buugga, Maammulka iyo Maaraynta Sakada ee uu qoray Ustaad
Bashiir C/Samad Xareed, dhab ahaantii, wuxuu buuxiyey khaanad
bannaanayd – marka laga eego xilliga uu ku soo beegmay, qaabka uu
u qoran yahay, iyo baaxadda macluumaadka uu xambaarsan yahay.
aduunyaba.
Dhanka kale, mas’alooyinka la
xiriira sakada intooda badan
culumada islaamku way isku
khilaafsanyihiin, taasoo waajibinaysa in si qotodheer loo baaro
mas’alooyinkaas.
Haddaba, buuggan koobani waa
isku day qasadkiisu yahay in loo
fududeeyo hantiileyda doonaya
inay si sharciga waafaqsan u
bixiyaan sakada sharciyan lagu
leeyahay. Sidoo kale, waxay sahli
doontaa –insha ALLAH- dhowrista xuquuqda inta mudan
qaadashada sakada.
Buuggan, waxaan ku soo bandhigi doonaa –haddii Eebbe
idmo- xadeynta iyo xisaabinta
hantida laga sakeynayo iyo qaddarka sakada ah ee laga bixinayo hantida. Cutubyada aan
ku eegi doono waxaa ka mid ah:
sakada iyo nolosha bulshada, ka
sakeynta lacagaha iyo ganacsiga
yaryar, ka sakeynta ganacsiga iyo
shirkadaha, ka sakeynta xoolaha
nool, ka sakeynta hantida maguurtada ah, ka sakeynta macdanta
iyo khayraadka badda iyo ka
sakeynta mushaaradda iyo dakhliga xirfadaha gaarka ah.
In kastoo qoraalkani ka dhashay
dadaal badan, haddana habka
loo soo bandhigay kuma salaysna hababka akadeemiga ah ee
layaqaano, kaasoo uu qoruhu u
arkay inuusan ahayn midka ugu
haboon ee dhanbaalkan lagu
gaarsiin karo akhristaha caadiga
ah ama soomaalida intooda
badan oo ah dad ay ku adagtahay hab-raaca akadeemigu.
Soomaalidaas caadiga ah ayaana
ah kuwa bartilmaameedka
koowaad ee qoruhu ula qasday
inuu la beegsado buuggaan
kooban.
Ugu danbayntii, shaki kuma jiro
in, si kastaba ha ku dhacdee,
qormadani aysan ka marnayn
ceebo iyo cillado dhan kastaba
ah. Haddaba waxaan si kal iyo
laab ah ayaan u soo dhaweynayaa wixii talabixin iyo dhaliilaba
ah oo lagu hormarin karo qormadan. Dhaliilaha iyo talabixintu
waxay kaalin fiican ka geysan
doonaan sixidda iyo hormarinta
daabacadaha xiga.
Waxaa qorey:
Bashir C. Samad Xareed
Mogadishu, September 2011
Maxay ka yiraahdeen?
Maaraynta Sakada ee uu qoray
Ustaad Bashiir C/Samad Xareed
dhab ahaantii wuxuu buuxiyey
khaanad bannaanayd – marka
laga eego xilliga uu ku soo beegmay, qaabka uu u qoran yahay,
iyo baaxadda macluumaadka ee
uu xambaarsan yahay. Dhinaca xilliga, buuggu wuxuu ku soo beegmay xilli maalka iyo waddooyinka
Soomaalidu maalka ku kasbato
intuba ay bateen; dhinaca qaabka
buuggu u qoran yahay iyo macluumaadka uu xambaarsan yahay, in
kastoo loogu talo galay arday dhiwww.buuh.net
gata heer jaamicadeed, haddana,
qof kasta oo akhrista, buuggu
wuxuu siinayaa awood uu ku
fahmo, ku derso, ku abla-ableeyo,
ku xisaabiyo, kana soo saaro maalkiisa sakada ku waajibtay.
Buugga, Maammulka iyo
Maaraynta Sakadu, waa buug u
qoran qaab akademig ah, xambaarsan macluumaad hufan oo
mug weyn, ku qoran luuqad fudud
oo si sahal ah loo fahmi karo, ayna
ka buuxaan tusaalooyin taabanaya
wax kasta oo sako ku waajibtay –
waxaasi ha noqdeen wax hadda
horteenna yaala, sida ganacsiga,
xoolaha, beeraha iyo dakhliyada
kale, ama wax aan u baahan doonno mustaqbalka durugsan, sida
xisaabinta sakada macdanaha, shidaalka, iwm. Waa buug mudan in
qof kasta oo Muslim ah oo wax ku
akhrin kara luuqadda Soomaaligu
akhriyo, weeleeyo, ku dhaqmo,
dadka kalena uga faa’iideeyo.
Saciid Cali Shire
Qoraa, cilmibaare, la taliye
35