DHAMBAAL | Page 34

Rukni diini ah ka sokow, sakadu waa xudunta isu-dheelli-tirka qeybaha kala duwan ee bulshada Muslimka ah. Haddii si garsoor ah loo maareeyana waxay dunida ka tirtiri kartaa saboolnimada. Sakadu waxay Islaamka ku leedahay meeqaan iyo mudnaan gooni ah. Rukni diini ah ka sokow, sakadu waa waax cid kasta oo si qoto-dheer u dhuuxda ay ka dhex daalacan karto ahmiyadda ay u leedahay dadka muslimka ah ee dhugta u leh inay ka faa’iideystaan fursadaha Eebbe SWT ku dheehay waajibinta ruknigan diiniga ah oo faahfaahinaya qoondeynta hantida qofka muslimka ah. Dhaqaale ahaan, sakadu waa xudunta isu-dheellitirka qeybaha kala duwan ee bulshada Muslimka ah. Haddii si garsoor ah loo maareeyo sakadu waxay dunida ka tirtiri kartaa sa34 boolnimada asalkeeda oo dhan. In kastoo wali aan si buuxda loo dhaqan-galinin, dalal Muslim ah ayaa hadda ku baraarugay kaalinta sakadu ka gaysan karto horumarka [[XYK\