DHAMBAAL | Page 33

Buuggaan cusub, Bangiyada Islaamka, waa indhofur taabanaya meelaha ugu muhiimsan ee ganacsiga. Saciid Cali Shire wuxuu inoo daahfuray adeegyada ganacsiga xalaasha ah, tooshna inooku ifiyey madmadowga ka imaan kara. Waa buug anfacaaya dhammaan dhinacyada kala duwan ee dhaq-dhaqaaqyada maaliyadeed, ganacsi, shaqsi, hey’ad iyo dawlad intaba” Waxaa la oran karaa qoraaga Mr. Shire, wuxuu daahfur rasmi ah ku sameeyay cilmi aad muhiim u ah oo in badan oo dadka Soomaaliyeed ka mid ah ka qarsoonaa amaba qaar badan oo kamid ah aysanba aaminsanayn in bangiyada Islaaamiga ahi aysan xaqiiqo u jirin amaba ayasan waxba kaga duwanayan kuwa reer galbeedka, asagoo waliba uga haqab tiray afkoodii hooyo oo beryahaan danbe gabaabsi ugu jira in wax lagu qoro Buugga ‘Bangiyada Islaamku’ waa buug anfici doona jiilasha hadda jooga iyo kuwa mustaqbalka. Waa buug anfici doona dadka ku hawlan in ay aqoontooda kor u qaadaan, kuwa ku fekeraya in ay furtaan Bangiyo Islaami ah iyo kuwa ku fekeraya in ay ka shaqeeyaanba” Cabdiraasbiid Maxamed Cabdi, IBA, MOD, MBA.MD, Cafa Trading Co. Ltd Sh. Dayib Cali Maxamed Guddoomiye ku xigeenka Jaamicadda Bariga Afrika, Buuggaan oo ah buugii 3aad ee uu allifo Saciid Cali Shire, waxaa ku dheehan aqoon qoto dheer oo ruux walba oo muslim ah u baahan yahay. Runtiina ahmiyad gaar ah waxaa siinaya buuggaan, tooshka uu ku ifiyey mucaammalaadka maaliyadeed ee kala gaddisan iyo xeeladaha waafaqsan shareecada Islaamka ee la adeegsan karo si looga dheeraado ribada iyo wixii la halmaala Runtii baahi weyn baa loo qabay buuggaan oo kale, waxaana oran karaa Saciid Cali Shire wuxuu ku soo kordhiyey maktabadaha cilmiga hanti ma guurta ah. Soomaalidu waxay ku maahmaahda biyo sacabbadaadaa looga dhergaa. Hadaba dur-duuro aqoontaas ku qoran afkaaga hooyo kana soo dhirin-dhirtay maskax aqoon iyo khibrad u leh jaanibkaas. www.buuh.net Saciid Xaashi Warsame, MAAT, PGD, MA Xeeldheere cilmiga Bangiyada Islaamka 33