DHAMBAAL | Page 32

Prof. Maxammad Dalmar Guddoomiyihii (hore) ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Waxaan oran karaa, buuggaani wuxuu soo baxay waqtigii ugu habboonaa. Waa xilli dad badan oo Soomaali ah oo dalka gudahiisa iyo dibaddiisaba ku nool ay xiisaynayaan in ay helaan macluumaad la xiriira habka bankiyada Islaamku u shaqeeyaan si ay uga badbaadaan ribada iyo waxyaabaha kale ee Shareecadu xaaraantimeeysey. Waa xilli loo baahan yahay in dib loo yagleelo habka maaliyadda Soomaaliyeed ka dib markuu dalku xasilo haddii Alle idmo, waxaanna shaki ku jirin in nidaam maaliyadeed kasta oo ladhiso ay bankiyada Islaamku mustaqbalka mug weeyn ku yeelan doonaan. Haddaba, waa nasiib wanaag inuu hadda soo baxay buug mawduucaas si fiican inoo ku bayaaminaya oo tixraac iyo tusaale inoo noqonaya Buuggani waa kayd aqooneed oo tixraac u noqon doona ardada barata dhaqaalaha iyo maaliyadda, kuwa darsa shareecada islaamka, ganacsata iyo maalqabeennada u baahan inay maalkooda u jiheeyaan mashaariic iyo ganacsi xalaal ah, mas’uuliyiinta maammulka iyo xeer-dejinta iyo intii daneyneysa inay wax ka ogaadaan habka maaliyadda Islaamka.” Sh. Cabdulqani Xuseen Beder University, Hargeysa, Somaliland Buuggan Saciid Cali Shire ee ku saabsan hannaanka ay u shaqeeyaan baananka islaamku waxa uu salka ku hayaa laba arrimood oo kala ah: 1) Mabaa’dida guud ee ay ku dhisantahay shareecada islaamku si ay u dhowrto una ilaaliso danaha shanta ah ee lagama maarmaanka ah, kuwaasoo maalku ka mid yahay; iyo 2) Aqoonta iyo xogta waayo aragnimo ee ay ku dhisan yihiin una shaqeeyaan baananka adduunku. Waxaynu odhan karnaa buuggani waa jaan-tus kugu jihaynaya inaad horummar shakhsi iyo mid dhaqaale ka gaadho adduunka, adigoon aakhiradaada dhaawicin, dhinaca kalena bulshada u horseedaya horummar wax ku ool ah. Bangiyada Islaamku waa buuggii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ku qoran Af-Soomaali, si cilmiyaysanna u qaadaa-dhigay hawlaha bangiyada Islaamka oo dhan. Buugganu wuxuu fursad u yahay aqoonyahanka, ganacsatada iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee doonaya inay kala bartaan mucaamalaadka dhaqaale ee ku salaysan xalaasha iyo kan xaaraanta ah.” Bashiir C/samad Xareed Qoraaga: Maaraynta Sakada SIMAD UNIVERSITY, Mogadishu 32 www.buuh.net