b a n g i ya d a i s l a a m k a
“
50 sano ka gadaal, hey’adaha ku shaqeeya nidaamka
maaliyadeed ee Islaamku waxay madaxa la sii gelayaan
1,300 oo hey’adood; ku baahsan yihiin wax ka badan 100
waddan; gacantana ku hayaan hanti sare u dhaafaysa 2.1
triliyan (2 trilliyan iyo 100 bilyan USD).
ee Islaamku (Islaamic financial
system), waxay madaxa la sii
gelayaan 1,300 oo hey’adood; ku
baahsan yihiin wax ka badan 100
waddan; gacantana ku hayaan
hanti sare u dhaafaysa 2.1 triliyan
(2 trilliyan iyo 100 bilyan USD).
Sida ay soo bandhigto Ernst and
Young (2012), hantidaasi sannadka 2013-ka waxay madaxa
la dhaafi doonto $2.5 trilion,
inta ka horraysa 2017-kana
waxay madaxa la dhaafi doontaa 5 tiriliyan ($5 trillion). Meesha bangiyada ku shaqeeya
nidaamka ribada qaar badani
suuqa ka baxeen (kaceen) , qaar
kale la qarameeyey, qaar kalena
taageero xoog badan la geliyey,
tirakoob dhowaan la soo saaray
ayaa muujisay in hantida bangiyada Islaamku maammulaan
kobocday 25-30% sannadkiiba
intii u dhexeysay 2007-2012 .
Sidoo kale, hey’adaha ku
shaqeeya nidaamka Islaamku,
waxay soo jiiteen dhegaha
bangiyada dhexe ee dawladaha
waaweyn, sida ‘Federal Reserve’
iyo ‘Bank of England’; hey’adaha
maaliyadda ee caalamka sida,
Hey’adda Lacagaha Adduunka
(IMF) iyo Bangiga Adduunka
(World Bank); iyo xarumaha
aqoonta ee ugu magaca dheer
adduunka, sida Harvard University, Oxford iyo Cambridge.
www.buuh.net
Waxaa iyana bogagga hore u
hibeeyey qaar ka mid ah warsidayaasha caalamka.
Waddammo badan oo reer
Galbeed ah ayaa iyana bilaabay
in ay wax ka beddelaan shuruucdooda iyo nidaamkooda
canshuuraha si ay u soo jiitaan
hey’adaha ku shaqeeya nidaamka maaliyadda ee Islaamka.
Tusaale ahaan, Faransiiska,
Ireland iyo Japan saddexduba
waxay wax weyn ka beddelleen
nidaamkooda canshuuraha si ay
u fududaato in bangiyo Islaami
ah laga yagleelo waddammadooda, saamiyada bangiyadaasna loogu gado seyladaha
lagu gado saamiyada sharikaadkooda.
Koboca iyo faa’iidada hey’adaha
ku shaqeeya nidaamka Islaamku
waxay sidoo kale sidii birlabtii u
soo jiiteen bangiyo iyo hey’ado
badan oo reer Galbeed ah.
Tusaale ahaan, 2008-dii bangiyo
aan ka yarayn 191 ayaa furay
laamo ku shaqeeya nidaamka
maaliyadeed ee Islaamka (Islamic
window).
Waxaa sidoo kale markii u horraysay bangiyada Islaamka laga
dhex furay waddammo aan laga
filayn in bangiyada noocaas ahi
ka hirgeli karaan. Tusaale ahaan,
Shiinaha, Japan iyo Itoobiya
saddexduba waxay bangiyadii
u horreeyey ee ku shaqeeya
nidaamka Islamka oggolaansho
siiyeen sannadkii 2009-kii.
Inkastoo hantida ay gacanta ku
hayaan hey’adaha ku shaqeeya
nidaamka maaliyadeed ee
Islaamku madaxa la dhaaafeen
USD 2 triliyan, haddana
hantidaasi aad bay u yar tahay
marka loo fiiriyo maalka adduunka yaalla ama kan ay gacanta ku
hayaan hey’