DHAMBAAL | Page 30

Bangiyada Islaamka: Milicsi T aariikheed 1963-dii ayaa bangigii u horreeyey oo ku shaqeeya nidaamka maaliyadeed ee Islaamka laga furay magaalda Mit-Qamar ee dalka Masar. Inkastoo bangigaas markiiba irdaha la isugu dhuftay, arrimo siyaasadeed darteed, haddana, muddadii yarayd ee uu shaqaynayey, sagaalkiisii laamood, waxay soo jiiteen macaamiil sare u dhaafaysa hal milyan oo qof. Chapra (2001) wuxuu tilmaamaa in bangigaas iyo labadii isku day ee ka horreeyey, oo midna laga hirgeliyey dalka Pakistan midna Malaysiya, ay dumiyeen darbigii khiyaaliga ahaa ee muslimiinta ka hortaagnaa yagleelidda nidaam maaliyadeed oo ku salaysan shareecada Islaamka . Duminta derbigaas khiyaaliga ah waxaa xigey yagleelidda bangiyo ka baaxad weyn bangigii hore. Bangigii u horreeyey, ‘Dubai 30 Islamic Bank’, waxaa laga taagey magaalada Dubai ee Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) sannadkii 1975-tii. ‘Faisal Islamic Bank’ ayaa isna laga aasaasay Masar iyo Suudaan sannadkii 1977-dii. ‘Islamic Bank of Jordan’ iyo ‘Islamic Bank of Bahrain’ ayaa iyana irdaha loo furay sannidihii 1978 iyo 1979-kii. Yagleeliddii Bangiga Horummarinta Islaamka (IDB) sannadkii 1973-dii ayaa isna culays weyn ku soo kordhiysey hammigii la rabay in lagu dhiso nidaam maaliyadeed oo ku salaysan shareecada Islaamka. Soo if-baxaas, bagiyada Islaamka, waxaa dhinac socday baraarug siyaasadeed. Tusaale ahaan, shirkii wasiirrada arrimaha dibedda ee dunida Islaamka ee lagu qabtay Dakar, Senegal, bishii Abriil ee 1978-dii, waxaa la soo jeediyey in dunida Islaamku si qunyar-qunyar ah u hirge- liso bangiyo Islaami ah. Sidoo kale, shirkii wasiirrada arrimaha dibedda ee Islaamabaad, Pakistan ee May 1980 waxaa la soo bandhigay tallaabooyinkii la qaadi lahaa si loo meel mariyo qaraarkii 1978-dii la gaaray. Shirkii saddexaad ee dunida Islaamka ee lagu qabtay Makah iyo Daaif, Sacuudi Carabiya, 1981kii waxaa isna la isla qaatay, si xiriir ganacsi iyo wadashaqayn u dhexmarto dunida Islaamka, in dunida Islaamka dhammaan laga hirgeliyo bangiyo Islaami ah. Sida uu soo guuriyo Warsame (2007), Aljeeriya, Sacuudi Carabiyo iyo Soomaaliya ayaa hormuud ka ahaa dadaalkaas lagu baadigoobayey sidii dunida Islaamku u yeelan lahayd nidaam maaliyadeed oo waafaqsan shareecada Islaamka. 50 sano ka gadaal, hey’adaha ku shaqeeya nidaamka maaliyadeed www.buuh.net