DHAMBAAL | Page 28
6aad wuxuu soo bandhigayaa
ribada, qararka, maysirka iyo
khammaarka oo ka mid ah
waxyaabaha xaaraamta ah oo
bangiyada Islaamku kaga duwan
yihiin bangiyada ku shaqeeya
nidaamka ribada. Cutubka
7aadna wuxuu wax ka ifiiminayaa
muuqaalka, hawlaha ay qabtaan
iyo ahmiyadda ay leeyihiin guddiyada culimada ah ee la taliya
bangiyada Islaamka (Sharica
boards).
Qaybta saddexaad, sidee u
shaqeeyaan bangiyada Islaamku, waxay ka kooban tahay
saddex cutub. Cutubka 8aad
wuxuu muuqaal ka bixinayaa
sida bangiyada Islaamku hantida u ururiyaan (deposit side)
iyo adeegyada ay u qabtaan
macaamiisha. Cutubka 9aad
iyo 10aad waxay si qoto dheer
u falanqaynayaan aaladaha iyo
nidaamyada bangiyadu isticmaalaan markay maalgelimaha
samaynayaan. Meesha cutubka
hore ka hadlayo aaladaha ku
salaysan wax-isku-darsiga (equity
based), cutubka dambe, wuxuu
ka hadlayaa aaladaha ku salaysan deymaha (debt based).
Qaybta afraad, hey’adaha hantida u maammula sida waafaqsan
shareecada Islaamku, waxay ka
kooban tahay saddex cutub.
Cutubka 11aad wuxuu muuqaal
ka bixinayaa noocyada iyo aaladaha ay adeegsadaan hey’adaha
hantida u maammula sida
waafaqsan shareecada Islaamka.
Cutubka 12aad iyo 13aad waxay
kormar ku samaynayaan labo
ka mid ah adeegyadii ugu dambeeyey ee ku soo biira caalamka
maaliyadda Islaamka, i.e. sukukga iyo takaaful-ka.
Buuggaani, sida labadii buug ee
ka horreeyey, “Furaha Ganacsiga
iyo Hoggaamiye”, waa buug
u qoran qaab cilmiyaysan oo
akadeemig ah (academic), sidaas
aawadeed, buuggaan waxaa loo
isticmaali karaa koorsooyinka
Bangiyada Islaamka ee jaamicadaha iyo macaahidda sare ee
dalka. Sidoo kale, buuggu wuxuu
marjac iyo wehel u noqon karaa
dadka ka shaqeeya, daneeya,
dhiga, dhigta ama ku hawlan
siday u fahmi lahaayeen guud
ahaan nidaamka maaliyadeed
ee Islaamka, gaar ahaan bangiyada Islaamka. Buugga waxaa
sidoo kale ka faa'iidaysan kara
xeer-dejiyayaasha, siyaasiyiinta
iyo hoggaammada maammulka
hey'adaha dawladda.
T
akaaful: milicsi taariikheed
Luqad ahaan, kelmadda ‘takaaful’ waa kelmad
carabi ah oo laga soo dhambalay ‘kafala’ oo
micneheedu yahay dammaanad qaadid. Sharci
ahaan, takaafulku waa heshiis wada shaqayn, oo
dhex mara koox dad ah, ujeeddaduna tahay in ay
isu gurmadaan oo is garab galaan haddii dhibaato soo gaarto mid ka mid ah kooxdaas heshiiska
wada gashay. Hey’adda Xisaabaadka iyo Hantidhowrka u Qaabbilsan Bangiyada Islaamku waxay
takaaful-ka ku qeexdaa nidaam iskaashi iyo wax
isku darsi oo dadka ku bahoobay isku taageeraan
haddii mid ka mid ah dhibaato soo gaarto.
Sida, Fisher (2008), Chatterjee (2009) iyo
rag kaleba soo guuriyaan, nidaamka takaafulku in
kastoo uu weli gaban yahay, haddana, wuxuu salka
ku hayaa nidaam qaddiim ah oo Jaziirada Carabta
laga isticmaali jirey Islaamka hortiis. Nidaamkaas
oo markii dambe ay si aad ah u isticmaali jireen
ganacsatadu, siiba kuwa doomaha xammuulku,
wuxuu ahaa nidaam ay ganacsatada iyo doonyalaydu isku caawin jireen haddii duruuf adagi ku
timaado mid ka mid ah, sida in shixnaddu qoydo,
doontu degto ama dhibaato kale soo gaarto.
Marka laga soo tago taariikhdaas hore iyo tusaalooyinkaas, takaafulkii u horreeyey ee laga yagleelo
28
caalamka Islaamka waxaa laga furay waddanka
Suudaan sannadkii 1979-kii. Waxaa xigay saddex
takaaful oo sannadihii 1983-1985 laga kala taagey waddammada Sacuudiga, Baxrayn iyo Malaysiya. 30 sano ka gadaal, Ernst & Young (2012)
waxay qiyaasaan in ugu yaraan 150 shirkadood
oo takaaful ahi ka diiwaangashan yihiin caalamka
(marka laga reebo Iiraan) ayna sannadkii 2012-kii
maammulayeen hanti madaxa la dhaafaysa US$ 12
bilyan, labadii sano ee u dambaysayna ay sameeyeen koboc aan ka yarayn 20% sannadkiiba. Waxaa
sidoo kale la saadaalinayaa in hantidaasi madaxa
la dhaafi doonto US$ 20 bilyan ka
hor dhammaadka 2015-ka.
Si aad wax uga ogaatid
ida takaaful-ka maanta loo isticmaalo; ceebaha takaaful-ka;
muuqaalka takaaful-ka saxda ah
iyo mustaqbalka takaaful-ka akhri
buugga Bangiyada Islaamka.
KA DALBO:
t. 44 (0) 7838236171
e. [email protected]
w. www.buuh.net
www.buuh.net