“
Kitaabkani wuxuu ummadda Soomaaliyeed u furayaa irido iyo aafaaq
cusub oo hore uga daboolnaa. Waxaa laga yaabaa in uu u horseedo
baraarug hor leh iyo isku day hirgelinta nidaamka dhaqaale/maaliyadeed
ee Islaamka.”
Prof. Jaamac Xaaji Warsame, Jaamicadda Bariga Afrika, Soomaaliya
Horummarkaas lixaadka leh
ee bangiyada Islaamku ku tallaabsadeen ma aha wax iska
yimid, ama sida dadka qaarkiis
moodaan, wax la soo bilaabmay
soo ifbixii bangiyada Islaamka.
Soo ifbaxa bangiyada Islaamku
wuxuu qayb ka ahaa dadaal
Islaam raadis ah (baraarug)
oo ay hormuud ka ahaayeen
siyaasiyiin, aqoon-yahanno,
culimo iyo mas'uuliyiin badan
oo isbeddel-doon ah. Dadaalladaas xaq raadiska ahi, marka
laga soo tago wacyigelinta guud
iyo u jidbaysnaanta shareecada
Islaamka, waxyaabaha la taaban
karo ee uu ku guuleystay, mirihiisana maanta la guranayo, waxaa
ka mid ah soo ifbaxa Bangiyada
Islaamka. Bangiyada Islaamkuna
waa qayb ka tirsan dhaqaalaha
Islaamka.
Dhaqaalaha Islaamkuna waa
qayb ka mid ah diinta Islaamka.
Islaamkuna waa diin dhammaystiran oo buuxinaysa dhammaan baahiyaha aadamaha.
Baahiyahaasi ha noqdeen kuwo
qofeed ama kuwo bulsho; kuwo
nafeed ama kuwo maal; siyaasad
iyo dhaqaale; qaanuun iyo
dhaqan; gudo iyo dibed. Waa
qaab nololeed dhammaystiran
oo daboolaysa caqiidada iyo
mucaamalaadka, shuruucda iyo
nidaamka. Waa qaab dhaqan
iyo ilbaxnimo, waxay leedahay
nidaam maaliyadeed iyo mid
ganacsi, nidaam siyaasadeed
iyo mid dawladnimo. Quraanka
www.buuh.net
iyo sunnuhu waa labada ilood
ee sharciga. Qiyaaska, Ijmaaca
iyo Ijtihaad-kuna waa hab lagu
turjumo quraanka iyo sunnaha
si loogala soo dhex baxo xukun.
Nidaamkaasi waa mid ku salysan caddaalad, himilooyinkiisana
waxaa ka mid ah ciribtirka wax
kasta oo xaaraam ah. Mid ka mid
ah waxyaabaha aasaaska u ah
bangiyada Islaamka, oo ay kaga
duwan yihiin bangiyada kale waa
ku dhegganaanta shareecada
Islaamka iyo ka dheeraanshaha
wax kasta oo shareecada agteeda xaaraam ku ah, sida ribada,
qararka iyo khammaarka.
In kastoo bangiyada Islaamka
lagu sameeyey daraasado fara
badan, lagana qoray buugaag
aad u badan oo iftiiminaya heerarkii ay soo mareen, sida ay u
shaqeeyaan, aaladaha ay isticmaalaan, waxa ay kaga duwan
yihiin bangiyada ku shaqeeya
nidaamka ribada, derbiyada hortaagan iyo sida ay u wajaheen
isbeddellada caalamka sida jaahwareerrada dhaqaale, haddana
waxaa muuqata in dadka ku
hadla luuqadda Soomaaligu weli
ka oomman yihiin cilmigaas.
Buuggan, oo intaan ka warhayo,
noqonaya buuggii u horreeyey
ee ka hadla bangiyada Islaamka,
u qoran qaab cilmiyaysan (academic) kuna qoran af-Soomaali,
in kastoo uusan dabooli karin
baahiyaha faraha badan ee
loo qabo fahanka, guud ahaan
n