“Islamic banking
fiican, ugu faa’iidada badan,
looguna hadal-haynta iyo
and finance is no longer
just a theory or a dream, in fact kalsoonida badan yahay
nidaamyada maaliyadeed
it is now an emerging, evolving ee adduunka. Dhinaca
koboca iyo faa’iidada,
reality”
bangiyadaasi waxay 30-kii
Prof. Khurshid Axmed
sano ee la soo dhaafay,
Meesha, 50 sano ka hor, bangiyada Islaamku ahaayeen riyo,
sida Prof. Khurshid cabbiray,
maanta, bangiyada Islaamku
waxay ka mid yihiin nidaamyada
maaliyadeed ee ugu koboca
26
sannad walba, sameynayeen koboc iyo faa’iido sare u
dhaafaysa 20% sannadkiiba;
dhinaca hadal hayntana, doodaha la xiriira bangiyada Islaamku
waxay buuxiyeen shaashadaha
TV-yada, bogagga internetyada iyo jaraa’idka caalamka.
Waxa intaas dheer, in nidaamka
maaliyadeed ee Islaamka maanta
lagu derso, lagana dhigo, xarumaha cilmiga ee ugu magaca
iyo maamuuska dheer caalamka.
Hadal-haynta iyo kalsoonida
dheeriga ahi, qayb ahaan, waxay
salka ku haysaa koboca hantida
ay maammulaan iyo faa’iidada
ay sameeyaan; qayb ahaan,
aaladaha ay isticmaalaan; qayb
ahaanna siday ugu babac dhigeen iyo siday uga soo doogeen
jaahwareerkii dhaqaale ee ku
dhuftay hey’adaha maaliyadda
caalamka sannadihii 2007-2009
iyo haraatidii jaahwareerkaas ee
2010-2011.
www.buuh.net