DHAMBAAL | Page 25
Dr. Abdurahman Ahmed Noor (Sulub)
Qoraaga “The 56 Opposite Laws of Leadership”
Al-Baha University, The Kingdom of Saudi Arabia
Buugga Saciid Cali Shire, Sidee loo Noqdaa Hoggaamiye Isbeddel
Horseeda? Waa buug waafiya oo kulmiyey tariikhdii, mabaadi’dii,
qiyamkii, waaya-aragnimadii, iyo gedda iyo lihida (sifooyinka) hoggaan iyo hoggaan-raaca san iyo midka silloon (xun-fiican) labadaba.
Wuxuu kaa waraabinayaa aragtiyihii Giriiga, Shiinaha, Roomaanka,
Muslimiintii hore, iyo reer-galbeedku ay ka qabeen ama ka qabaan
hoggaanka iyo hoggaan-raaca fiican ama xun.
Wuxuu buuggaan Hoggaamiye kaa haqabtirayaa haddii aad hoggaamiye tahay, ama aad rabtid in aad noqotid hoggaamiye himiladii
aad higsan lahayd, hilinkaad mari lahayd, iyo hawshaad qabanlahayd.
Qofkii doonaya in uu isbeddelo, ama dad kale beddelo, ama doonaya in uu isbeddel hoggaamiyo waa meel uu ka shidaal qaato. Haddii aad buuggaan akhrisid oo hirgalisid aqoonta uu xambaarsanyahay waxaad ka hirqan doontaa oo kuu fududaanaya in aad fahamtid
xiriirka ka dhexeeya qofka, kooxda, iyo hawsha ay hayaan.
Prof. Cabdirisaaq Hiirad Maxamed
Guddoomiyaha Jaamicadda Bariga Afrika,
“Hoggaamiye, waa buug cilmiyeed lagu soo arooriyay aragtiyihii
badnaa ee laga yiri cilmiga hoggaaminta, mid rag hore yiraahdeen
iyo mid rag danbe qeexeenba.
Waa buug ka turjumaya baahida maanta loo qabo cilmiga aan
soomaalida alifba uga bilowneyn hoggaamiye ahaan iyo shacab
ahaanba.
Waxaan aad u codsan lahaa in qof waliba oo soomaali ah aqriyo
buuggan, isaga oo aragtiyada uu ka daalacdo buuggan ka eegayo
qaab nololeedkiisa, hoggaaminta naftiisa , qoyskiisa
iyo ummaddiisa.”
www.buuh.net
25