Maxay ka yiraahdeen?
Dr. Maxamed Daahir Afrax
Qoraaga buugga ‘Dal dad waayey’
Aasaasihii Naadiga Somali PEN
Murtida buuggani xambaarsanyahay waxay ku caddahay cinwaanka
buugga. Waa cinwaan u dhigan qaab-su’aaleed. Qoraha buuggu,
su’aashan wuxuu uga jawaabayaa hab-cilmiyeed cuskan tix-raac, sababayn iyo ku-salayn asaas aqooneed. Sidaa awgeed, buuggan waxaa
lagu tilmaami karaa inuu ka mid yahay buugaagta af-Soomaaliga lagu
curiyey inta tirada yar ee dajintooda iyo dood-jeedintooda loo raacay
hab-cilmiyeed la jaan-qaadaya hal-beegga sare ee akadeemiga ah
(academic standard).
Doodaha iyo fikradaha uu soo bandhigayo dhammaan waa natiijo ka
soo baxday cilmi-baaris muddo dheer lagu hawllanaa. Wuxuu qoruhu
ku wada salaynayaa aragtiyo (theories) caalami ah iyo u fiirsi uu ka
tixraacayo culimmo waaweyn oo ku takhasusay mowduuca buugga.
Is-biirsiga muhimnimada arrinka uu buuggu ku saabsan yahay iyo
hab-cilmiyeedka uu u degsan yahay waxay buuggan ka dhigaysaa
marjac laga baran karo wax aad u qiima badan Soomaali ahaanna
aan u qabno baahi aad u weyn.”
Dr. Abdullahi Hassan (Abdullahi Spanish)
Qoraa, xeeldheere culuumta dhulka
“Buugga Hoggaamiye, wuxu si toos ah u abbaaray, Ilaahna solansiiyey
qoraaga, in uu halkii Soomaali bugtey farta la helo. Si aan hagrasho
lahayn oo cilmiyaysan buu u raadiyey, una soo bandhigay cudurka 25-kii
sano ee u dambeeyey ina hayey dawadiisa oo ah sidii lagu heli lahaa
hoggaamiye suubban.
Wuxu aad u qeexay sifaadka hoggaamiyaha iyo siyaabaha lagu heli karo
hoggaamin isbedel wax ku ool ah inoo horseedda.
Hoggaamiye, waa buug dhaxalgal ah oo ay u dheertahay in uu