deg-deg (J. Doochin); is la wayni
iyo iska dhig-dhigid qof kale (S.
Snook). Sanborn (2009), dhiniciisa wuxuu taxaa shan wax oo
hoggaamiyayaasha ka dhiga
kuwo fashilma. Shantaas wax
waxaa ka mid ah: aragti gaabni
gaarsiisan in uu arki waayo
hiraalkii iyo himilooyinkii; isagoo
hadalka deeqsiin waaya dadka
uu hoggaamiyo; cabsi gaarsiisan
in uu qaadan waayo go’aamada
muhiimka ah; anshaxii oo hoos
u dhaca; isagoo naftiisa iyo
waqtigiisa maarayn kari waaya.
McDermitt (2008) wuxuu isna
taxaa toban wax oo hoggaamiyaha ka dhiga mid fashilma. Tobankaas waxna wuxuu ku daraa:
la tashi xumo; qalayf gaarsiisan
heer laga dido; iyo in uu la socon
waayo waqtiga, i.e. in uu caalamka ka haro.
Teleb (2007), buuggiisa ‘The
Black Swan’, markuu ka hadlayo
asbaabaha fashilka ku keena
hoggaamiyayaasha wuxuu ku
soo ururiyaa saddex asbaabood:
asbaabo nafsi ah (psychological),
asbaabo maammul (organisational) iyo asbaabo siyaasadeed.
Meesha, asbaabaha nafsiga
ahi keenaan in hoggaamiyuhu
khiyaali ku noolaado, iska dhaadhacsiiyo in aan wax dhib ahi
jirin, soo jeedinta dadkana iska
indho tiro in uu wax ka qabto;
www.buuh.net
asbaabaha maammulku keenaan
in hoggaamiyuhu ku fashilmo in
uu isha ku hayo dhacdooyinka
saamaynta ku yeelan kara
hey’adda ama waddanka uu
hoggaamiyo; asbaabaha siyaasaddu waxay hoggaamiyaha
ka dhigaan mid u dacayan koox
gaar ah oo leh dano gaar ah.
Sternberg (2007) wuxuu isna ku
doodaa in hoggaamiye fiican
uu noqon karo qofkii saddex
wax weeleeya. Saddexdaas
waxna wuxuu u bixiyey: xikmad,
hal-abuur iyo garasho. Meesha
hoggaamiyaha aan hal-abuurka
lahayni uusan curin karin fikrado
cusub; hoggaamiyaha aan garaadka lahayni uusan qiimayn
karin aragtiyahaas kana dhaadhicin karin dadka, hoggaamiyaha aan xikmadda lahayni isuma
dheellitiri karo baahiyaha mujtamaca uu hoggaamiyo. Stenberg
(2007) wuxuu daraasaddiisii ku
soo koobay, waxaa hoggaamiye
fiican noqon kara qofkii si buuxda u weeleeya saddexdaas shay
oo kaliya.
Meesha xeel-dheerayaasha aan
kor kaga soo hadalnay dhammaan eedda xumaanta huwiyaan kuna gaar yeelaan hoggaamiyaha, waxaa waayadaan
dambe soo baxayey daraasado
iyo xeel-dheerayaal eedda wax
ka siiya shacabka ama la-hog-
gaamiyaha. Kellerman (2004),
oo hormuud u ah kooxdaas, si
uu dadka dareenkooda u kiciyo
wuxuu soo bandhigaa su’aal
muhiim ah oo oranaysa, hoggaamiyaha xumaaday la garey,
ee maxaa shacabku u taageeraan hoggaamiye ay og yihiin in
uu akhlaaq ahaan, qiyam ahaan
iyo wax-qabad ahaanba xun
yahay. Daraasad dheer oo uu ku
sameeyey hoggaamiyayaasha
xun-xunna waxa uu ka soo kor
laabtay in shacabka qayb ka
mid ahi qudhoodu aysan waxba
dhaamin hoggaamiyaha xun.
Inkastoo, shacabku mar-mar u
taageeraan hoggaamiyaha xun
cabsi ay ka qabaan mustaqbalka
ama waxa isbeddelku dabada ku wato, haddana waxaa
daraaasado badani muujiyeen
in dadka aadka ugu dhow-dhow
hoggaamiyaha xun oo taageerayaasha buuxa u ihi ay dhaqaale
ahaan iyo siyaasad ahaanba ka
faa’iidaan taageeristiisa.
Kellerman (2004) si uu inoo
fahansiiyo taageerayaasha
xun-xun, waxa uu tusaale u soo
qaatay taageerayaashii Hitler
iyo xisbigii Naasiga. Wuxuu soo
bandhigay in taageerayaashu
ka koobnaayeen saddex nooc:
dad aan aydiyooloji ahaan ku
qanacsanayn xumaanta hoggaamiyaha, laakiin haddana aan
waxba ka oran karin, asbaabo
21