DHAMBAAL | Page 20
Maxaa Hoggaamiyayaasha
qaarna ka dhiga kuwo fiican
qaarna kuwo xun?
S
ida ay soo guuriyaan Sun
Tzu iyo ragga kaleba,
in hoggaamiye noqdo mid xun ama mid fiican
waxay ku xiran tahay: aqoonta,
waaya’aragnimada iyo qiyamka.
Leslie iyo VanVelsor (1996) waxayba yiraahdaan marka qofku
mas’uuliyadda la wareego ayaa
la sii saadaalin karaa in uu xumaan doono iyo in uu fiicnaan
doono. Calaamadaha muujiya
in hoggaanku xumaan doonana
waxay ku daraan: xirfadda oo ku
yar; garaadkiisa oo hooseeya;
kalsooni darro iyo cuqdad; caajis
iyo go’aan xumo.
eyni; kalsoonida oo ay lumiyeen;
nidaam xir-xiran; iyagoo awoodi
waayey in ay arrimaha muhiimka
ah ka hadlaan waqtiga saxda ah
iyo goobta saxda ah; maammul
hoos ugu noqosho (micromanagement); ku xigeenno xun;
qaab-feker hooseeya; iyo ku
tiirsanaan hage (mentor).
Kellerman (2004) wuxuu hoggaanka xun u kala saaraa toddoba: (1) kuwo aan xirfad hoggaamin lahayn (incompetent);
(2) kuwo qallalan oo aan isla
beddellin xaalada (rigid); (3)
kuwo aan naftooda ka adkayn
(intemperate); (4) kuwo axmaqyo
ama mannaxayaal ah (callous);
(5) kuwo musuqmaasuq dilooday
(corropt); (6) kuwo aan waxba
kala socon xaalada mujtamaca
ay hoggaamiyaan (insular); iyo
(7) kuwo aan wax khayr ah lahayn (evil).
Dotlich iyo Cairo (2003) waxay
iyana waxyaabaha aasaaska u
noqon kara in hoggaamiyuhu
xu