“
hoggaamiye
Is-biirsiga muhimnimada arrinka uu buuggu ku saabsan yahay iyo
hab-cilmiyeedka uu u degsan yahay waxay buuggan ka dhigaysaa
marjac laga baran karo wax aad u qiima badan Soomaali ahaanna
aan u qabno baahi aad u weyn.”
Dr. Maxamed Daahir Afrax - Qoraaga buugga “Dal Dad Waayey”
iwm, dhammaantood waxay si
toos aha ama si aan toos ahayn
lug ugu leeyihiin hoggaan xun.
Haddaba, si qofka Soomaaliga
ahi u helo nolol wuxuu ku khasban yahay in uu wax ka fahmo
hoggaaminta. Si masaajidda,
maddaarista iyo hey’aadka
khayriga ahi u gutaan hawlihii
loo aasaasay waxa muhiim ah
in dadka hor boodaa fahmaan
hoggaaminta. Si sharikaadka
Soomaalidu ula saanqaadaan
isbeddellada aan kala go’a lahayn
ee hareeyey caalamka ganacsiga
iyo tiknoolojiyada waxay ku khasban yihiin in ay fahmaan hoggaaminta.
Si qarannimadeenii u soo noolaato, si aan uga biskoono cudur‐
bulshadeedka dilaaga ah, si aan
u badbaadino dadkeena meel
kasta ku tabaalaysan, si aan u
helno sharaf iyo karaamo waxan
u baahan nahay in aan fahanno
hoggaaminta. Maaddaama,
masiibada ku habsatay
Soomalidu ku urursan tahay
hoggaan xun, sida kaliya ee lagu
xalin karaa waa in la helo hoggaan fiican. Hoggaanka fiicanina
dhulka kama soo baxo, cirkana
kama soo dhaco. Hoggaanka
fiicani wuxuu ka soo dhexbaxaa
mujtamaca. Si hoggaan fiicani
uga soo dhex baxo mujtamaca,
waa in mujtamaca isbeddel lagu
sameeyo. Sida ugu fudud oo
isbeddel loogu samayn karaa
mujtamacuna waa in wax laga
beddelo maskaxda iyo qaabfekerka qofka. Waxa ugu fiican
www.buuh.net
oo wax ka beddeli kara maskaxda iyo qaabfekerka dadkuna waa
aqoonta. Idanka Eebbe, waxaan
rajaynayaa in buuggaani qayb
ka noqdo buugta kobcinaysa
maskaxda iyo maanka Soomaalida.
Buuggu, laba qaybood ayuu ka
kooban yahay. Qaybta kowaad,
irda‐furka hoggaamintu, waxay
ka kooban tahay saddex cutub.
Cutubka 1aad, wuxuu guud mar
ku samaynayaa hoggaaminta.
Cutubka 2aad, oo hal‐ku‐dhiggiisu yahay ‘baadi-gooob’ wuxuu
toosh ku ifinayaa hoggaamiyayaashii hore ee Soomaalida.
Cutuka 3aadna wuxuu dul mar
koban ku samaynayaa aragtiyaha
hoggaaminta.
Qaybta labaad, udeb-dhexaadka
iyo tiirarka hoggaamintu, waxay
soo bandhigaysaa moodeel kala
saari kara hoggaamiyaha wax ka
beddeli kara xaaladda siyaasadda, ganacsiga
iyo hay’aadka
khayriga ah ee
Soomaalida.
Moodeelkaasi
wuxuu ka kooban yahay, wax
aan ugu yeernay,
udub‐dhexaad
iyo afar tiir. Udub‐
dhexaadku waa
dabciga iyo qiyamka hoggaamiyaha. Afarta tiirna
waa horummarinta hiraalka, dad
soo jiidashada,
war‐gaarsiinta iyo horseedidda
isbeddel.
Buuggaani, sida labada buugg
ee ‘Furaha Ganacsiga’ iyo ‘Bangiyada Islaamka’
wuxuu u qoran yahay qaab
cilmiyaysan oo akadeemig ah,
sidaas aawadeed, waxaa si isku
mid ah uga faa’iidaysan kara
noocyada kala duwan ee hoggaamiyayaasha Soomaalida
(kuwa siyaasadda, ganacsiga,
iyo hey’adaha khayirga ah) iyo
ardada barata hoggaaminta.
Buuggu, wuxuu si gooni ah ugu
habboon yahay ardada sannadka 3aad ama 4aad ee jaamicadaha dalka, siiba kuliyadaha
maammulka, maaraynta, ganacsiga, siyaasadda iyo ciidammada.
Buugga, waxaa sidoo kale wehel
ka dhigan kara qof kasta oo rajo
ka qaba in uu noqdo hoggaamiye la mahadiyey.
Saciid Cali Shire
19