hoggaamiye
“
Meesha waddamo badani, asbaabo la xiriira hoggaan
fiican oo caynaanka u qabtay, ay isbeddello waawayn
sameeyeen, hoggaanka Soomaalidu wuxuu lixdii sano ee
ugu dambeeyey ku mitiday siday u haysan lahaayeen koobka dawladaha fashilmay iyo musuqmaasuqa.
Hoggaan xumida Soomaaliya
waxay gaartay heer Dr. Mxamed
Daahir Afrax tilmaamay in aan ku
sifownay “ummad dil lagu xukumay iyaduna dareemi la” .
In kastoo, Soomaaliya ay soo
martay xilliyo adag iyo duruufo
qallafsan, mar kastana ay, gargaarka Eebbe ka sokow, u baahnayd hoggaan toosan, misana,
inta la hayo taariikhda ma soo
marin mar ay uga baahi badan
tahay: hoggaan leh diin iyo
dadnimo; hoggaan dalkaan iyo
dadkaan aan iib ku raadinayn;
hoggaan leh garasho dheeri iyo
xilkasnimo; hoggaan leh aqoon
iyo waaya’aragnimo; hoggaan
fahansan jihada caalamku u
socdo, abuurina kara siyaasaddii
gundhigga u noqon lahayd qorshe lagu higsado himilooyinka
horummar ee ummadaha kale
higsanayaan; hoggaan fahansan
muhimadda dawlad-wanaagga
iyo xisaabtanka; hoggaan caan
ku ah daacadnimo, hufnaan, iyo
hiraal; hoggaan ku dhex nool,
fahansanna duruufaha nololeed
ee shacabka; hoggaan si sharci
ah ku yimid, xushmadna u haya
sharciga; hoggaan toosin kara
damiirka dadka una jihayn kara
dhanka mustaqbalku ka jiro;
hoggaan damaciisu ka xeeldheeryahay xil la qabto; hoggaan
soo nooleeya amalkii iyo rajadii
Soomaalida .
Soomaaliya waxay u baahantahay hogggaan aan didiye ahayn
ee dabbaale ah; hoggaan aan
eel reeb noqon ee aaya reeb
18
noqda; hoggaan aan suul eeg
noqon ee soof eeg noqda; hoggaan aan beleliye noqon ee
bogsiiye noqda; hoggaan aan
hurde noqon ee hedlede noqda;
hoggaan aan xoolo la joog noqon ee xeer la joog noqda.
Soomaaliya, waxay u baahan tahay hoggaamiye aan u adeegin
qoyskiisa, qabiilkiisa iyo koox
gaar ah ee u adeega shacabka
Soomaaliyeed; hoggaamiye aan
dhisin gobol gaar ah, degmo
gaar ah ama tuulo gaar ah ee
dhisa dal iyo dad.
Hoggaan xumidu kuma koobna
haykalka siyaasadda oo kaliya,
ee wuxuu sidoo kale, naafeeyey
dhammaan dhinacyada kala
duwan ee nolosha Soomaalida.
Tusaale ahaan, daraasad Shire
(08) ku sameeyey sharikaadka
dhexe iyo kuwa waaweyn ee
Soomaalida ayaa muujisay in
hoggaan xumidu (poor leadership) tahay darbiga ugu weyn ee
ka hortaagan koboca iyo horummarka sharikaadka Soomaalida.
Daraasaddaasi waxay sidoo kale
muujisay in wax ka badan 90%
fashilka ku yimaada sharikaadka
Soomaalidu salka ku hayo hoggaan xumo.
Daraasad kale oo Shire (08) ku
sameeyey hoggaanka sharikaadka dhexe iyo kuwa waaweyn ee
Soomaalida ayaa muujisay in qiyamka ho