Waxaaba la gaaray heer, sida uu
cabbiro Lee Iacoca, la is waydiiyo, aaway hoggaamiyayaashii
dadka dhiirrigelin jirey, dhaqaajin
jirey, niyaddooda bili jirey, mujtamacana ka dhigi jirey mid meel
fog higsanaya; aaway hoggaamiyayaashii sharafta, qiyamka,
dadnimada iyo kartida ku astaysnaa; aaway hoggaamiyayaashii
amalka shacabka noolayn jirey;
aaway hoggaamiyayaashii?
Aaway hoggaamiyayaashii?
Isaga gadaashiisna uu waayeel
93 jir ah oo muddo badan ku
soo dhex jirey siyaasadda Faransiiska, Stephane Hessel, uu dhallinyarada Faransiiska ugu baaqo
in ay hurdada ka kacaan oo ka
damqadaan jihada khaldan ee
guud ahaan caalamka, gaar
ahaan dalkooda loo hoggaaminayo .
Inkastoo, adduunka oo dhammi baahi weyn u qabo in ay
fahmaan hoggaaminta, haddana,
Soomaalidu, baahi ka badan
baahida ummadaha kale u
qabaan ayay u qabtaa. Waayo,
dhammaan dhibaatooyinkii soo
maray Soomaaliya 500 sano ee
la soo dhaafay waxay salka ku
hayeen hoggaan xumo. Tusaale
ahaan, Soo gelitaankii gumaysiga iyo qayb‐qaybintii geyiga
Soomaalida labadaba waxaa
saldhig u ahaa hoos-u-dhac ku
yimid tayadii hoggaamiyayaashii
Soomaalida. Sidoo kale, faqriga,
gaajada, jahliga, inxiraafka caqiidada, dagaallada micno‐darrada
www.buuh.net
ah, miyir‐gaddoonka mujtamaca, xaalufinta degaammada,
qashinka lagu aasayo dhulka
Soomaalida, dhammaan waxaa
mas’uul ka ah dad aan u qalmin
hoggaamin ummadeed, dad
aan samayn karin hiraal qaran,
dad aan qiyam iyo sharaf midna
lahayn oo marooqsaday masiirkii
ummadda.
Hoos-u-dhaca tayada hoggaanka siyaasadda ee Soomaalida
waxaa si fiican looga daalacan
karaa tirakoobyada iyo shaxaha
is bar-bar-dhigga caalamka ee ay
soo saaraan: hey’adda la dagaallanka musuqmaasuqa, taxanaha
dawlad wanaagga iyo kan dawladaha fashilmay. Meesha, liiska
musuqmaasuqa iyo taxanaha
dawladaha fashilmay, laga soo
bilaabo markii liiskaas iyo taxanahaas la bilaabay, Soomaaliya ay
ahayd waddanka ugu horreeye,
liiska dawlad wanaagga waxay
ahayd waddanka ugu hooseeya.
Waxaa sidoo kale la yaab leh,
meesha waddammo badan
oo ay soo wajaheen duruufo
la mid ah kuwa soo wajahay
Soomaaliya, sida Libeeriya iyo
Ruwaanda, ay asbaabo la xiriira
hoggaan wanaagsan, isbeddello
la taaban karo ka sameeyeen
dhanka musuqmaasuqa iyo
dawlad wanaagga, maantana
yihiin bidhaan hummaagooda
lagu hirto, Soomaaliya, asbaabo
la xiriira hoggaan xun, maalinba
maalinta ka dambaysa waxay
ku sii fogaanaysaa bohol dheer
oo ka soo bixiddeedu u baahan
doonto baraarug umaddeed,
garasho-dheeri hoggaan iyo
gurmad caalami ah.
Meesha taxanayaasha qaarkood,
tusaale ahaan, taxanaha dawlad wanaagga ee loo yaqaan
“Index of African Governance”
Soomaaliya ay sannadkii 2006-dii
ahaa 8.8, sannadkii 2008-dii uu
noqday 6.6, 2011-kiina waxa uu
marayey 7.2. in kastoo waxoogaa
ay soo kabatay sannadkii 2011kii, haddana, waa cabbir, marka
barbardhig lagula sameeyo
waddammada kale ee caalamka,
Soomaaliya ka dhigaya meel aan
nololi ka suuroobi karin. Meesha
waddamo badani, asbaabo la
xiriira hoggaan fiican oo caynaanka u qabtay, ay isbeddello
waawayn sameeyeen, hoggaanka Soomaalidu wuxuu lixdii sano
ee ugu dambeeyey ku mitiday
siday u haysan lahaayeen koobka dawladaha fashilmay iyo
musuqmaasuqa.
Hey’adaha, iyagoo ka duulaya muuqaallada siyaasadeed,
dhaqaale, amni iyo hoggaamin,
oddorosa mustaqbalka ummaduhuna, sida “National Intelligence Council” waxayba oddorosaan in 2030-ka, haddaan
wax weyn laga beddelin hab
hoggaaminta Soomaalida, in
uusan muuqaalka Soomaaliya
wax weyn ka duwanaan doonin
kan maanta.
17