La Gran América Newspaper Vol2 N5, January,2011 | Page 7
7
visite nuestra página web www.lagranamerica.com
Enero 01, 2011
Kooxda Blackburn, ayaa
martigalinaysa kooxda West Ham
Labada kooxba waxay ka mid yihiin
tobanka koox ee hoose.
Balse waxaa kooxda 13-aad ah Blackburn oo waxay leedahay 21 dhibcood,
waxayna isku dhibco yihiin Stoke.
West Ham, waa kooxda ugu wada
hoosaysa 20-ka koox ee ku tartamaya
cayaaraha England Premiership-ka.
Blackburn waxaa ka dhaawacan Andrews, Grella, iyo Nzonzi.
Halka kooxda West Ham ay ka
dhaawacan yihiin Da Costa, Collison,
Edgar, Kurucz, Hitzlesperger iyo Noble, iyadoo shaki laga qabo cayaaryahanka Behrami.
Tababarihii kooxda Blackburn
todobaadkan, Sam Allardyce ayaa la la
eryay, waxaa kooxda tababare ku meelgaar ah u noqday Steve Kean.
ga badiyay.
West Ham V Manchester City
Kooxda West Ham, waxay martigalinaysaa Manchester City, oo ay ku
wada cayaarayaan garoonka Upton
Park. Man City waa kooxda 4-aad, 29
dhibic ayay leedaha. West Ham ayaa
ah kooxda ugu hoosaysa, iyadoo leh 12
dhibcood, 16 kulan oo la cayaaray.
Cayaaryahanka qadka dhexe ee kooxda West Ham Valon Behrami ayay dhici
kartaa in dib ugu soo laabto kooxda, iyadoo uu sinta horay uga dhaawacmay.
Waxaa kaloo ka maqan Da Costa,
Collison, Edgar, Kurucz, Hitzlsperger iyo
Noble.
Dhinaca kooxda Manchester City
waxaa min laba cayaar ka maqnaanaya
Kolarov iyo Tevez.
Waxaana dhaawacan M Johnson iyo
Nimely.
Kooxda Man City ilaa bishii October
lagama badin, waxaana u jiraan oo kaliya 3 dhibcood kooxda hogaanka haysa
ee Arsenal.
West Ham, dhinaca dhibcaha waa
kooxda ugu hooseysa oo 12 dhibcood
ayay leedahay.
Cayaartan waxaa dhexdhexaadin
doona garsooer Phil Dowd.
Guryaha laga dhisto Djibouti
Dalka Djibouti horumar ay ka gaartay dhinaca bangiyada ayaa waxay u
suurto galisay in Shirkadaha guryaha
dhisa ay helaan lacag ay ku maal galiyaan guryaha ay dhisayaan, kadibna ay
dadka reer Djibouti ka iibiyaan guryaha iyagoo dayn ku siinaya dadka guriga
ay gadanayaan.
Dadka ayaa daynta guryaha iskaga
bixin kara ilaa labaatan sano ama ka yar.
Shirkadaha waawayn ee Djibouti
ka dhisa waxaa ka mid ah shir kad la
aas aasay 1956 oo la yiraahdo SID, guryihii ugu danbeeyay ee ugu badnaa
oo gaaraya kun guri waxay ka dhistay
xaafada Hodan.
Shirkada SID waxaa iskaleh dowladda Djibouti, waxay sidoo kale dhistaa
guryaha ay dowladda ay dadka siiso.
Weriyaha BBC ee Daud Aweis ayaa
booqdey xarunta shirkadda ee magaalada DJibouti, halkaasna ku wareystey
Suubane Muuse Jibriil oo ah Agaasimaha iibka ee shirkadda.
Maxkamadda hargeysa oo xukuntay
lix Ruush ah iyo diyaaraddoodii
Diyaaradda Ruush-ka ee Hargeysa
lagu qabtay
Gudoomiyaha maxkamadda gobolka
Hargeysa Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan
ayaa maanta ku dhawaaqay in
Lix nin oo ruush ah ay midkiiba
maxkamaddu ku xukuntay Min hal sano
oo xadhig ah iyo min saddex million
oo shiling Somaliland ah oo ganaax ah,
lacgtaasoo u dhiganta shan boqol oo dollar midkiiba.
Nimankan oo isugu jira duuliyaashii
iyo shaqaalihii diyaarad qalab milleteri
u siday Puntland oo 10kii bishan lagu
qabtay Hargeysa, waxay kaloo maxkamadu xukuntay in dhammaan qalabkii milleteri oo ahaa direys iyo boojajka rasaasta
iyo miinada lagu qaato in lala wareegay.
Diyaaradda oo ah nooca xammuulka
ee Antanov 32 waxaa iyada lagu xukumay ganaax dhan 23 Million oo
Shilinka somaliland ah oo u dhiganta
afar kun oo dollar .
Maxkamaddu waxay ogolaatay in
xabsiga lixda nin lagu xukumay ay lacag
ahaan ku beddelaan karaan.
Qareenka nimankan difaacaayay
Khadar Maxamed Guuleed ayaa BBCda u sheegay inaanay wax rafcaan ah ka
qaadanayn xukunkan oo ay ku qanceen.
Maxkamaddu waxay sheegtay in lagu
helay duuliyaashan iyo diyaaradoodaba
inay ku soo xadgudbeen hawada Somaliland, una sideen iyagoo qarinaayay qalab
milleteri malleeshiyo cadow ku ah xuduuda
Somaliland oo puntland lagu tababaraayo.
Liberia oo dayn laga cafinayo
Madaxweynaha Liberia Ellen Johnson Sirleaf
Liberia ayaa la gashay heshiis laba
shirkadood oo ku leh lacag dayn ah
oo ay Liberia qaadatay sanadihii
1970 meeyadii.
Shirkadaha oo kala ah Hamsah investment iyo Wall Capital, ayaa kula
heshiiyay Liberia inay bixiso oo kaliya
ilaa saddex boqolkiiba, afartan iyo
saddex million dollar ee lagu leeyahay
Liberiya.
Shirkadahan ayaa ka mid ah
shirkado lagu dhaleeceeyo inay gataan daynta lagu leeyahay dadalka
saboolka, kadibna saartaan dulsaar
dheeraad ah.
Shirkadahan ayaa loo yaqaanaa
Vulture funds.
Daawo Wareysiga
Madaxweyne Siilaanyo
MadaxweynahaSomaliland,Axmed
Maxamed Silanyo, ayaa ku tilmaamay
in sida keliya ee dhaqaalaha Somaliland uu ku dhismi karaa ay tahay in
dadku, ay iyagu wax qabsadaan.
Waxaa uu ka jawaabayay su’aal ay
BBC weydiisay oo ku saabsan waxa ay
dowladdu ka qabaneyso dhaqaalaha.
Madaxweynaha oo maanta hadal ka
jeediyay, Chatham House, waxaa kale
oo uu soo qaaday arrimaha Soomaaliya, oo uu ku tilmaamay in uu kheyr u
rajeynayo.
Wareysiga Madaxweynaha aan ka
duubnay markii, martiqaad ka dib uu
nagu soo booqday Bush House, waxaa
uu taabanayaa dhinacyo badan oo ay
ka mid yihiin eedeymo loo jeedinayo
dowladdiisa.
Meesha dunida ugu kulul
waxa ay ku taal Djibouti
Waxaan qarka ka joogaa harrada
la yiraahdo Casaal, waa ay gubaneysaa, laakiin xitaa ma aanan iman karin
halkan maanta oo kale xillagan oo ay
tahay duhur.
Haddii xaqiiqdii aanay ahayn, tani
waa xilliga winterka ee qaboobaha Djibouti. Xilliga kuleylaha heerka kuleylka
biyaha Harradan waxa uu gaaraa soddon
iyo xoogaa. Dabeyl aad u kulul, Qorax ku
gubeysa, xaqiiqdii waa sidii in la dubayo
haradan Volkaniga ah. Waxaana banaanka
usoo baxay cusbo oo ka sameysmeysa kor.
Cali Xamiid ayaa I tusaya sida loo
qodo cusbada, sidaasi oo oo aabihii iyo
awoowyadii ay u sameyn jireen, iyagoo isticmaalaya d hagax weyn oo madow, waxa
uu yiri waa qalabka reer miyiga.
Intii aanay qalabka jirin waxaan isticmaali jirnay dhagxaantan oo kale oo
aanu ku garaaci jirnay cusbada si aan uga
jajabino waxa ku dhegan, tani waa waxa
ay reer miyigu ganacsi ahaan u istcimaali
jireen oo ay cunto ugu soo iibsan jireen
qoysaskooda.
Xitaa ileyska ka imanaya qoraxda ayaa
dib uga noqonaya cusbada, oo sidii barafkii oo kale u eg.
haa isla marka ay qoraxdu soo baxdo
waxa ay ku dhufataa cusbada kadibna waa
ay dhalaalisaa. Waxa ay ka sameyneysaa
indhahaaga cadaan.
Marka aad halkan biyaha usoo dhawaatana, iyadoo kuleylkaasi oo dhan uu
jiro, ma waxaad dooneysaa inaad biyaha
quusto ama aad cabto?
Dhulka nagu hareereysan waa buuro
midab huruud ah leh oo waaweyn, oo halkan kasoo baxa , iyadoo ah meesha ugu
hooseeysa qaaradda Afrika oo dhan. Aad
ayay u kulushahay, waana ay adagtahay
inaad ku bedbaado halkan.