Cash-based Interventions Transition to Egypt Post Office - FAQs (Somali) | Page 3

Ku-beddelka xafiiska boostada ee Masar Su’aalaha ugu weydiinta badan Ee qaabka Lacagata looga soo qaato xafiisyada boostada 1 . Halkee ayaan u aadaa si aan lacagta ooga soo qaato halkaan degganahay? Waxaad ka soo qaadan kartaa lacagta xafiiska kasta oo boosto ah ee Masar. 2 . Waa maxey qaabka ijraa’aadka ee xafiiska boostada? Khasnad hayaha u dhiib kaarkaaga aqoonsiga ee UNHCR. Xafiiska boostada wuxuu eegi doonaa Sawirkaaga, Raqam malafkaaga iyo Magaca. Haddii ay intaasi sax tahay, lacagta waad heli doontaa.Nidaaamka waa isku dhammaan xafiisyada boostada. 3 . Yaa soo qaadi doono Lacagta? Qofka Mas’uulka u ah reerka isagoo ku had- laya magaca reerka ama, Mas’uulka reerka ayaa go’aansanaya inuu u xil saaro xubin kale oo reerka ka mid ah inuu u soo qaado lacagata Caawinta ah. 4 . Waxaan tagay xafiiska boostada magaceyguna kuma jirin liiska walow aan helay Farriin qoraaleed oo moo- beelka ah? Fadlan hubi in macluumaadka lagaala soo xiriiro uusan isticmaalin qof kale oo qoyska ah ama bulshada, badanaaba qoysas waxay isku liis gareeya hal lambar, mar walba hubi in lambarkaaga ee UNHCR iyo Karitaas uu shaqeenayo. 5 . Muddo intee la eg ayaan ku soo qa- adan karaa Caawin lacageedka? Haddii aan seego muddadii ley igmay inaan lacagta ku soo qaato. Markale lacagta maka heli karaa UNHCR? Qaadashada lacagta waxey sii ooleysaa xafiiska boostada illaa muddo saddex asbuuc ah, fadlan hubi inaad lacagta ku soo qaadatid waqtigii loogu talagalay. Waqtiga looogu talagalay markii lagaaro Xafiiska UNHCR ayaa lacagta dib ula baxaya adiguna ma awoodi doontid inaad ka soo qaadatid xafiiska boostada. Asbaabta aan kuu oggolaaneyn inaad lacagta soo qaadato ay yihiin kuwo macquul ah, waxaa lagula talinayaa inaad qof kale u xilsaarato inuu lacagta kuu soo qaado.