PÅ SOMALISK Juni 2014 | Page 8
2
Dhakhtarku wuu idin waraysanayaa, ilmahana wuu
baadhayaa, si uu wax badan uga ogaado dhibta
nafsadeed ee ilmaha haysata. Waxaanu idiin sheegi
doonaa tallaabada taa xigta. Dhakhtarku ilmaha wuu
caawin karaa, hadday noqoto hadal ku dawayn ama
daawooyin haddii loo baahdo.
Dadka Norway deggan oo dhami waxay leeyihiin
dhakhtar joogto ah. Ilmahaaga isku dhakhtar baad
tihiin, haddii aanad beddelin. Haddii aad doonayso
inaad ogaato dhaktarka joogtada ah ee ilmaha wac
telefoonka: 810 59 500, ama la xidhiidh xafiiska NAV
ee magaalada aad deggan tahay. Warbixin dheeraad
ah ka eeg www.nav.no
3
Dhakhtarku wuxuu go’aansan karaa inuu ilmaha u
diro: Isbitaalka xanuunnada maskaxda ee carruurta
iyo dhalinyarada (BUP). Halkaa ilmuhu wuxuu ka
heleyaa daaweyn iyo caawimo ay ka qayb qaataan:
qoyska, dhakhtarka cilmi nafsiga, dhakhtarka
xanuunnada maskaxda ee carruurta, khabiir arrimaha
qoyska, khabiir barbaarinta iyo khabiir arrimaha
bulshada.
Yaa ku caawin kara?
Caafimaadka Norway wuxuu u qaybsan yahay adeegga
caafimaadka degmada iyo adeegga caafimaadka takhasuska
leh. Adeegga caafimaadka degmada waxa hoos yimaada
dhakhtarka joogtada ah iyo gargaarka degdegga ah
(legevakten). Magaalada aad deggan tahay waxa kale oo
ay caawimo u fidisaa dadka xanuunnada nafsadda qaba.
Kalkaalisada caafimaadka, Adeegga nafsada iyo takhasuska
barbaarinta (PP-tjenesten), xarumaha firfir-coonaysiinta iyo
8
caawimada guryaha ayaa ah qaar ka mid ah. Haddii aad
doonayso inaad caawimooyinkaas wax ka ogaato waxa aad
la xidhiidhi kartaa adeegga caafimaadka (helsetjenesten)
ama Adeegga xanuunka nafsadda ee degmada aad deggan
tahay.
Adeegga caafimaadka takhasuska leh waxa hoos yimaada
isbitaalka xanuunnada maskaxda ee carruurta iyo
dhalinyarada (BUP). Halkan waxa lagu caawiyaa carruurta
iyo dhallinta mashaakil ama xanuun nafsadeed hayo. Halkan
hoose waxaad ka akhriyi kartaa qaybaha kala duwan ee
adeegga caafimaadka ee caawiya ilmaha uu hayo xanuun
nafsadeed.
Waaxda caafimaadka gobolka
Daryeelka caafimaadka nafsadda ee Norway wuxuu hoos
yimaadaa afar waaxood oo caafimaad oo heer gobol ah.
Kuwaasi waxay yihiin: Caafimaadka Waqooyi, Caafimaadka
Badhtammaha Norway, Caafimaadka Galbeedka, Caafimaadka
Koonfur-Bari. Wakaaladda aad hoos imanaysaa waxay ku
xidhan tahay meesha aad dalka ka deggan tahay.
Waaxda caafimaadka ee gobolka ayaa ka masuul ah
adeegga uu u fidinayo adeegga takhasuska caafimaad
(spesialhelsetjeneste) ee dadka gobolkaa ku nool. Waaxda
caafimaadku iyagaa leh cusbataalada dawladda,
ambalaasyada, xarunta farriinta gargaarka degdegga ahi
timaado, shaybaarada wax lagu baadho iyo farmashiyayaasha
cusbataalku leeyahay ee gobolka ku yaalla.
Dhakhtarkaaga joogtada ah mise xarunta caafimaadka
Haddaad ka welwesho horumarka