PÅ SOMALISK Juni 2014 | Page 6

Markee ayey tahay inaad caawimo doonato? Haddii aad ka shakido inaanu ilmahaagu nafsadiisa ku qanacsanayn, ama aadan hubin arrinkiisa oo aad u baahan tahay talo dad khibrad takhasus leh, markaa waxa mihiima inaad sida ugu degdegga badan ula xidhiidho cid ku caawin karta. Dhakhtarka joogtada ah ee ilmaha, xarunta caafimaadka, kalkaalisada caafimaadka iskuulka ama dhakhtarka iskuulku waxay ilmaha ka daaweyn karaan xanuunnada nafsadda ee fudud ama meel dhexaadka ah, haddii kale waxay u gudbinayaan cid caawin karta. Bogga 7aad ee warbixintan waxaad ka heli kartaa, warbixin dheeraada cidda ku caawin karta iyo nidaamka aad marayso. Marka ilmahaagu lug ka jabo ama uu nabar ku dhaco, way fududahay inaad aragto inuu ilmuhu xanuunsanayo. Xanuunnada nafsaddu sidaas way ka duwan yihiin. Way adag tahay in la arkaa, ha noqoto qofka xanuunsanaya naftiisa ama dadka ku xeeranba. U fiirso isbeddelka dabeecadda ee ilmaha. Ilmo deggan ayaa mar keliya isu beddeli kara mid dabeecad adag oo si kale ah. Ilmo firfircoon oo farxad badan ayaa mar keliya isu beddeli kara mid aammusan oo xidhxidhan. Waa kuwan calaamadaha kuu digaya ee aad la socon kartid: • Ilmaha oo ku tusiya inay jiraan wax aanu ka hadli karin ama aanu ku dhicin ama aanu doonayn inuu ka hadlo • Ilmaha oo ka cawda calool xanuun iyo madax xanuun. • Ilmaha oo maqan/maahsan oo marmar aragtidiisu meel ku dhegeyso/meel ku dhayga-gaya (stirrende). • Ilmaha oo ay ka muuqato jaha-wareer, welwelsan ama niyadjabsan • Ilmaha oo aad uga gubta hab-dhaqanka dadka waaweyn 6 • Ilmaha oo awood badan ku bixiya inuu xaaladda la qabsado, taas oo meesha ka saarta kartida halabuurista. • Ilmaha oo u muuqda had iyo goor sidii qof weyn, ilmo maskax badan, had iyo jeer naxariis badan oo fariida. • Ilmaha oo dib u gurta, waxba aan danayn, oo aan la dareemin. • Ilmaha oo muujiya habdhaqan adag iyo degenaansho la’aan. • Ilmaha oo is geliya kaalin raadgadasho ah isagoo iska dhiga sidi inuu isagu wax kasta oo dhaca dembigeeda leeyahay ama dhaandhaan iska dhiga . Waxaad rabto ayaad sheegi kartaa Dhammaan shaqaalaha caafimaadka ee Norway waxey leeyihiin waajib sirqarin. Taa macnaheedu waa, wax kasta oo ama adiga ama ilmahaagu u sheego dhakhtarka, kalkaalisada caafimaadka ama cid kale oo ku caawinaysaa aanay gudbin karin waxaad ku wada hadasheen, iyada oo aydaan idinku fasaxin. Maxaan sameeyaa marka ilmahayga uu hayo xanuun nafsadeed? 1 Xaaladaha khatarta ah ama nolosha halis gelinaya deg-deg ula hadal garggaarka degdegga ah telefoonka 113. U sheeg waxa dhacay, u sheeg cinwaanka caawimada looga baahan yahay iyo telefoonka aad ka soo hadlayso. Haddii xaaladdu aanay khatar ama degdeg ahayn, taas oo ah inaadan nafta iyo caafimaadka u baqayn, waxaad la xiriiri kartaa dhakhtarka joogtada ah ee ilmaha, gargaarka degdegga ah ama xarunta caafimaadka ee kuugu dhaw. 7