PÅ SOMALISK Juni 2014 | Page 4

Wasaaradda bulshada iyo caafimaadka goobteeda internetka www.shdir.no/psykiskhelse ayaad ka akhriyi kartaa noocyada kala duwan ee xanuunnada nafsadda. Carruurta waa la caawin karaa Sida dadka waaweyn oo kale, carruurtu waxay u baahan yihiin cid fahanta oo garab siisa. Suurtagalka inay bogsadaan aad buu u weyn yahay haddii caawimo goor hore ah ay helaan. Sidaa darteed la xidhiidh goor hore cid ilmaha caawin karta. Waxa caawin kara dhakhtarka joogtada ah ee ilmaha, xannaanada caafimaadka, kalkaalisada caafimaadka iskuulka ama dhakhtarka iskuulka. Halkaa waxaad ka ogaan kartaa cidda adiga iyo ilmahaba caawin karta. Dhacdooyin dhib leh iyo cabsi Carruur badan oo la kulantay dhacdooyin dhib leh iyo dhib culays badan leh, waxa ku dhaca murugo, cabsi iyo riyo baqdin leh. Dareemadaa dhibta lihi waxay iman karaan iyada oo sannado badani ka soo wareegeen dhacdooyin ay hore ula kulmeen. Carruurta la kulanta in cidi dhimato waxay ku noqon kartaa lama filaan, waxaan dhici karin, cadho iyo in dareenku ka lumo. Naxdinta hore markay dhammaato waxa ku xiga, oohin, murugo, diidmo iyo ciil. Carruurtu dadka waaweyn waxay kaga duwan yihiin, inay marna farxaan marna murugoodaan. Taa waxa tusaale u noqon karta in wax yar ka dib uu ilmuhu farxo oo ciyaaro. Waxa mihiim ah in la ogaado 4 inaan ilmaha yari si keliya u muujin murugadiisa. Habka ilmaha yari murugadaa u muujinayaa waxay ku xidhan tahay inta uu caqligiisu le’egyahey, siyaabo kala duwana wuu u dhaqmaa. Carruurtu wey la socdaan waxa adduunka ka dhacaya, ha ahaato TV-ga, raadiyaha, wargeysyada iyo carruurta facooda ah. Carruur badani way baqaan markay maqlaan daadad, hargabka shimbiraha, dagaalada ama wax falal xoog wax lagu maquuniyey (voldshandlinger).Caruurta cabsiyi ku jirtaa, waxay had iyo goor rabaan wehel, dib bay u gurtaan, si hawl yar bay u cadhoodaan, u fiirsashadooduna/ daymadooduna ma wanaagsana. Waxa ku dhici kara hurdo xumo, madax xanuun iyo calool xanuun. Carruurta aan xasillooneyni (engstelige) dabeecaddooda way bedeli karaan waxaanay joojin karaan waxay hore u samayn jireen. Calaamadahaasi waxay noqon karaan qaar aan toos ahayn ama caddayn, waxaanay noqon karaan oo keliya tilmaan ah iney carruurtu baqaneyso. Tarjumaan xaq baad u leedahay Haddii aadan fahmayn dhakhtarkaaga waxaad xaq u leedahay tarjumaan bilaasha. Inkasta oo adiga iyo ilmahaagu aad af noorwiiji ku hadli kartaan, haddana ma fududa in warbixin maaddo ku saabsan af qalaad lagu la fahmo. Waxa fiican in marka aad ballanta qabsanayso aad u sheegto inaad u baahan tahay tarjumaan, si isaga oo dhakhtarka ku