Maxaan samaynayaa marka ilmahaygu aanu
nolosha ku faraxsanayn?
Tilmaame loogu talo galey waalidiinta leh carruurta qabta
xanuunnada nafsadda
Xanuunada nafsaddu dad badan bay ku dhacaan
Si nolosha carruurtu u fiicnaato, waxaa muhiim ah in
caafimaadkooda nafsaddu fiican yahay. Aasaaska caafimaadka
nafsadda ee ilmuhu wuxuu la jaan qaadaa (la bilaabmaa)
sannadka ugu horeeya ee nolosha ilmaha. Xanuunnada
nafsaddu dadka badankooda way ku dhici karaan. Ku
dhawaad kala badh dadka Norway ku nooli waxay
noloshooda la kulmaan mashaakil dhinaca xakamaynta
dareenkooda. Dadkaa qaarkood hiddo ayey u leeyihiin,
iyada oo aan wax gaar ahi dhicinna way xanuunsadaan.
Marar kalena waxa keena dhacdooyin sida: dhimasho, shilal
ama xiisela’aanta nolol maalmeedka, taas oo ilmaha ku
keenta inay xanuunsadaan.
Waa maxay xanuunnada nafsaddu?
Xanuunnada nafsaddu waxay noqon karaan laga billaabo
niyadjab fudud iyo waalli halis ah, taas oo keenaysa inaad
adduun kale iyo xaalad kale gasho. Waxa lagaa yaabaa in
ilmahaagu uu murugaysan yahay, cabsanayo, aanu
deggenayn ama cadhaysan yahay. Waxa laga yaabaa in aanu
xiiso u hayn xannaanada carruurta (barnehage), ama intuu
iskuulka fadhiyo uu meel kale la haysto oo aanu macallinka
dhegeysanayn.
Xanuunnada nafsadda waxay carruurtu ku muujisaa sida
calool xanuun, cunto rabis la’aan iyo madax xanuun.
2
Xanuunnada nafsadda ee ugu caadisani waa welwelka
(angst) iyo niyadjabka (depresjon). Welwelku waa dareen
degenaansho la’aan iyo isku buuqsanaan hoose ah oo
ay adag tahay in la xakameeyo. Carruurta welwelku hayo
waxay noqon karaan kuwo aan xasillooneyn oo ka baqa
dhawaaqyada iyo dhaqdhaqaaqyada lama filaanka ah.
Dadka qaarkood sabir la’aan badan iyo xanaaq aanay lahaan
jirin ayaa ku dhaca. Qaarna waxa ku dhaca hurdo yaraan
iyo riyo baqasho leh. Welwelku wuxuu kale oo keeni karaa
calaamado sida: gariir, dhidid, madax xanuun, wadna garaac,
diiqad laabta, lalabbo, calool xanuun, awood la’aan iyo
wareer.Niyadjabka carruurta waxa keeni kara dhacdooyin
dhibaato leh ama mashaakilo kale sida dhimasho ku timi
dadka ku dhaw. Waanu iska iman karaan sabab la’aan.
Carruurta niyadjabku hayaa inta badan wey murugeysan
yihiin. Waxey kale oo lumin karaan xiisaha iyo farxadda ey
u hayaan nolosha. Carruur badan culayskoodu kor ama
hoos ayuu u kacaa, hurdadaa ka xumaata, deganaanshahaa
ka luma, waxba kama qayb-qaataan, tacbaan iyo awood
la’aan ayaa ka muuqata. Qaarkood feejignaanta (la socodka
deriska iskuulka) ayaa ku dhib noqda, waxaanay mar-mar ka
fekeraan dhimashada.
Calaamadaha kale ee xanuunnada nafsadda waxa ka mida
cunto dhibsi (spiseforstyrrelser), waalli (psykose) iyo
xanuunka waswaaska (tvangslidelser).
3