PÅ SOMALISK Juni 2014 | Page 12
faraxumayn (mishandling), faraxumeyn galmo, isticmaal
maandooriye iyo dhibaatooyin kale oo khatar ah oo qoyska
ka jira, kuwaas oo ilmuhu u baahan yahay in laga caawiyo.
haddii ilmaha laga arko dhaqan adayg/doorsoon, ama
loo maleeyo in daryeel xumo (omsorgssvikt) khatar ah ay
ilmaha haysato.
BUP xaruntooda waxaad kula kulmi kartaa dhakhtar
nafsadeed, dhakhtarka xanuunnada maskaxda ee carruurta,
khabiir arrimaha qoyska, khabiirka barbaarinta iyo khabiir
arrimaha bulshada. Kuwaasi waxay ugu horrayn adiga iyo
ilmaha idinkala hadli doonaan dhibta jirta. Ka dibna waxaad
ku heshiinaysaan qaybaha mihiimka ah ee ugu horrayn wax
laga qabanayo iyo sida aad u wada shaqayn doontaan.
Daryeelka carruurtu wuxuu la shaqaynayaa waalidka si
dhibta guriga loo xalilo. Waxay kuugu deeqi karaan: talo,
tilmaamis/hagis, caawimo dhaqaale, qof carruurta caawiya
iyo guriga oo lagu soo booqdo. Ilaa iyo inta ay suurtagalka
tahayna, waxay isku dayi doonaan in dhibta la xalliyo iyadoo
waalidka lala shaqaynayo.
BUP waxa kale oo ay talo bixin siin kartaa waalidka u
baahan in laga caawiyo sidii ay qoyska ugala hadli
lahaayeen dhacdooyinka dhibta badan ama welwelka jira.
Haddii aad sidaa dooneysaan taasi waxay dhici kartaa idinka
oo aan is sheegin.
PPT
Haddii ilmaha dhibi ka haysato dhegeysiga iyo la socoshada
waxbarashada iskuulka ama aanu ku faraxsanayn xannaanada
carruurta, waxay waalidku talo ama baadhis waydiisan karaan
adeegga barbaarinta iyo cilmi nafsiga (PPT). Adeegga PPT
wuxuu bixiyaa talo iyo caawimo dhibaatooyinka la xidhiidha:
kartidaro waxbarasho, horumar maskaxeed oo dambeeya,
adkaansho afbarasho, habdhaqanka iyo korsiimada.
Daryeelka carruurta (Barnevarnet)
Xannaanada carruurta iyo xarumaha dawladda oo dhami
waxa ku waajiba inay wargeliyaan daryeelka carruurta
12
Daryeelka qoyska
Xafiiska daryeelka qoyska waxa ka shaqeeya dhakhtar
nafsadeed iyo khubarada bulshada (sosionomer) oo
carruurta iyo waalidka dhibaato la soo deristo ugu deeqa
talooyin. Xafiiska daryeelka qoysku wuxuu ku deeqaa
daaweyn dhibta qoyska iyo casharro wadanoolaansho
haddii furniin yimaado. Gobollada oo dhan waa laga helaa
xafiiska daryeelka qoyska, adeegaasuna waa bilaash.
Degmooyinka qaarkood waxaa adeegyada degmada
laysugu geeyaa xarun qoys (familiesenter), halkaas oo aad
hal meel caawimo uga heleysid hay’ado badan.
Inta la sugayo
Haddii aan khatari jirin isbitaal dhigista muddo ayaa la sugaa. Inta la sugaa
waxay isla beddeshaa meesha aad deggan tahay iyo isbitaallada kala
duwan. Haddii xaaladda ilmuhu sii xumaato inta la sugayo waxaad xaq u
leedahay in codsigaaga mar kale la eego. Haddii ay taasu jirto, la xidhiid