PÅ SOMALISK Juni 2014 | Page 10
Marka aad la hadasho dhakhtarka joogtada ah ee ilmaha,
waxa kula hadlaysa xoghaynta dhakhtarka ama kalkaaliso
caafimaad, taas oo ku waydiinaysa magaca ilmaha,
dhalashada iyo waxa arrintu khuseyso. Ilmuhu xanuunka
nafsadda wuxuu ku muujiyaa calool xanuun, cunto rabis
la’aan iyo madax xanuun. Sidaa awgeed ayuu dhakhtarku
ugu horrayn ka baadhayaa xanuunnada jidhka ku dhaca
calaamadahooda. Haddii aanu ilmuhu jidh ahaan u
xanuunsanayn,wuxuu waalidka la gorfaynayaa bal in ilmaha
culays ka soo gaaro dhinaca xanaannada carruurta, iskuulka,
guriga iyo talaabada taas xigta. Dhakhtarka joogtada ahi
wuu daaweyn karaa xanuunnada nafsadda ee fudud, ha
noqoto lahadal ku dawayn ama dawo. Haddii loo baahdo
wuxuu dhakhtarka joogtada ahi u gudbin karaa adeegga
takhasuska caafimaadka.
Gargaarka degdegga ah (legevakten)
Haddii aad caawimo u baahato oo aad weydo dhakhtarka
joogtada ah ee ilmaha ama xarunta caafimaadka, waxaad la
xidhiidhi kartaa gargaarka degdegga ah (legevakt).
Gargaarka degdegga ahi waxa uu daaweeyaa dhaawacyada
ku-soo-boodka ah, xanuunada iyo dhibaatooyinkaba.
Telefoonka gargaarka degdegga ah ka raadi buugga
telefoonada ee degmadaada.
Degmooyinka oo dhami waxay leeyihiin xarumo caafimaad.
Xarumaha caafimaadku waa inay la socdaan caafimaadka
carruurta, ha noqoto eegis joogta ah ama tallaal.
BUP waa adeeg ka mid ah caawimada daryeelka
caafimaadka nafsadda ee carruurta iyo dhallinta da’a
adoodu ka hoosayso 18 sannadood iyo reerahooda. BUP
waxay talo iyo hagis siin kartaa dhakhtarka joogtada ah,
xannaanada caafimaadka ama iskuulka.
Waa ayo dhakhtarka joogtada ah ee ilmuhu?
Dadka dhammaan waxa la siiyay dhakhtar joogto ah. Adiga ayaa dooran kara
dhakhtar nin ah ama mid haween ah kii aad doonayso. Carruurtu waxay sida
caadiga ah la dhakhtar tahay hooyada ama aabbaha. Haddii aad doonayso in
carruurtaadu dhakhtar aan kaaga ahayn yeelato waa inaad sheegto.
Haddii aad doonayso inaad ogaato dhakhtarkaaga joogtada ah ama aad
dooneyso inaad doorato dhakhtar joogto ah oo kale, waxaad wici kartaa
Telefoonka dhakhtarka jootada ah: 810 59 500 ama la xirdhiidh xafiidka
daryeelka dadweynaha (trygdekontoret) ee degmada aad deggan tahay.
Warbixin dheeraada ka eeg www.nav.no
10
Isbitaalka xanuunnada maskaxda ee carruurta iyo
dhallinyarta (BUP)
Dhakhtarka joogtada ahi wuxuu kuu gudbin karaa
isbitaalka xanuunnada maskaxda ee carruurta iyo
dhallinyarta (BUP). Gudbintu waa inuu waraaq u qoro
xaruntaa daaweynta.
BUP ilmuhu wuxuu joogi karaa maalintii, mar-marka
qaarkood habeenkii ayuu baryi karaa. Halkan waxa la isku
dayayaa in la helo waxa ilmaha dhibaya, laguna dawaynayaa
iyada oo la adeegsanayo wadahadal, daawo, ciyaar, tusaale
jilis ah, wax sawirid ama firfircooni kala duwan.
BUP waxay la shaqaysaa qoyska ilmaha si ay u helaan oo
u daweeyaan xanuunnada nafsadda ee kala duwan. Waxay
noqon kartaa dhaqan adayg, welwel (angst), niyadjab
(depresjoner), ku fekeris is-dilis iyo cunto dhibsi (spiseforstyrrelser). Waxa kale oo dhici kara in ilmaha loo geystay
11