Patient Education Bartaan Si Ay U Naasnuujiyaan | Page 2

Hambalyo! Waxa aanu ku faraxsan nahay inaad dooratay inaad naaska nuujisid ilmahaaga. Waxa aanu u heelan nahay inaanu kaa caawiyo inaad heshid waayaha naas-nuujin ee ugu fiican suurtogal ahaan. La-talisooyinkayaga naas-nuujinta ee guddi xaqiijisay ayaa la heli kara si ay kuu caawiyaan ka hor inta aan ilmahaagu dhalan, gudaha cisbitaalka, iyo ka dib marka aad tagtid guriga. Naas-nuujintu waa farsamo qaadata tababarasho. Isa sii wakhti aad ku baratid oo aad ku istareexdid naas-nuujinta. Waxa aanu halkan u joognaa inaanu ku caawino haddii aad noo baahan tahay. 614-234-MILK (6455) 2