Siyaabaha Loo Liso Caanahaaga
Lisidda Caaaha Naaska
Waxa jira marrar oo loo baahan yahay lisidda naasaha :
• Si nafisaad looga helo naasaha buuxa haddii darar jiro maalmaha hore .
• Si loo kordhiyo kaydka caanaha iyada oo la bamgareynayo ka dib dhawr quudin mudo gaaban .
• Si loo quudiyo ilmaha aan awoodin inuu toos u jaqo naaska .
• Si loo kaydiyo caano la isticmaali doono mustaqbalka haddii aad fiidkii dibadda u baxaysid , inta aad ku jirtid shaqada , ama sababta oo ah ilmo ku jira cisbitaalka .
Siyaabaha Loo Liso Caanahaaga
Lisidda Gacanta
Lisidda gacantu waxay sida ugu fiican u shaqeysa marka aad lisaysid dambar , oo ah caano nooc kale ah oo ay sameeyaan naasuhu maalmaha ugu horeeya ka dib marka aad dashid . Waxa kale oo ay gargaar u leedahay jilcinta naaska marka uu si weyn u buuxo . Raac talaabooyinkan :
1 . Si tartiib ah u duug naaska .
2 . Qaabka xarafka “ C ” ku samee farahaaga qiyaastii meel 1 inji ka dambeysa qarka wareegga ibta naaska .
3 . Ibta naaska ku xeji suulkaaga iyo fartaada murdiso dhexdooda .
4 . Dib u cadaadi xagga laabtaada .
5 . Ku riix naaskaaga suulkaaga iyo fartaada murdiso . Iska ilaali in farahaaga kale u silbadaan ama aadaan xagga ibta naaska marka aad sii wadid inaad dib u riixdid .
6 . Dabci cadaadiska oo markale bilaab .
Haddii aad rabtid waxa aad fiirin karta fiidiyowga Hand Expression of Breastmilk , ( Gacan ku Lisidda Caanaha Naaska ), oo laga helo http :// newborns . stanford . edu / Breastfeeding /.
Bambada Labaale ee Korontada ku Shaqeysa ( Double Electric Pump )
Bambo labaale ah oo korontada ku shaqeysa oo tayo sare leh ayaa gargaar leh marka aad u baahan tahay inaad bamgareysid haddii aad ka maqan tahay ilmaha , aad gaftay quudin , ama aad ku laabanaysid shaqada .
Bambo ah nooca cisbitaalka ayaa ugu fiican haddii ilmahaagu aanuu awoodin inuu naaska jaqo ama haddii ay jiraan walaacyo ah kaydka caanaha . La hadal la-taliso naas-nuujin haddii aad u baahan tahay inaad ijaaratid ama iibsatid bambo koronto ku shaqeysa .
14