Patient Education Bartaan Si Ay U Naasnuujiyaan | Page 12

Isbeddela Caadiga ah ee Naaska iyo Ibta Naaska Waa caadi in naasahaagu weynaadaan oo aad ka dareentid culays, diirimaad, iyo raaxo-daro marka qaddarka caanahaagu kordhaan 2 illaa 3 maalmood ka dib dhalista. loo yareeyo bararka iyo xanuunka ama saar duubyo diiran oo qoyan dhawr daqiiqadood ka hor naas-nuujinta, taasoo laga yaabo inay gargaarto bilaabista qulqulka caanaha. • Gacanta ku lis ama bamgaree dhawr daqiiqadood ka hor naas-nuujinta haddii bararku uu naas qabsashada ka dhigayo dhib. Tani waxay jiri kartaa 1 illaa 2 maalmood. Marka naasuhu si caadi ah u buuxaan, naasuhu waxay noqdaan kuwo jilicsan oo kala-jiidan leh, qulqulka caanuhu waa caadi, mana saameynayso qabsashada naaska. • Si tartiib ah u riix oo duug naaska inta aad naaska nuujinaysid si ay u gargaarto yareynta dararka. Sida looga hortago ama loo yareeyo dararka: • Haddii hal ama labada naasba ay wali si raaxo-daro ah u buuxaan ka dib dhammaadka quudinta ama inta u dhexeysa quudinta, lis ama bamgaree caanaha si ay naasuhu u jilcaan oo ay taasi u gargaarto in laga hortago inay si dheeraad ah ama xanuun leh u buuxsamaan.  • Goor hore iyo marrar badan sii naaska, ugu yaraan 8 illaa 10 jeer mudo ah 24 saacadood. Ha ka boodin quudinta, xiitaa habeenkii. • Naaska sii marka aad aragtid tilmaamaha gaajada ee ilmaha. Haddii ilmuhu si weyn u hurdo, toosi ilmaha si aad naaska u siisid 2 illaa 3 saac kasta. Danqashada ama xanuunka ibta naasku ma caadi baa todobaadyada ugu horeeya? • Ilmaha u oggolow inuu dhammeeyo naaska hore ka hor inta aanad siin dhinaca kale. Kala beddel dhinacyada marka ilmuhu ka fuqo ama uu seexdo. Hooyooyinka qaarkood marnaba ma dareemaan xanuun ah ibta naaska, laakiin daraasado ayaa muujiyay in dumar badan ay leeyihiin xoogaa xanuun ah ibta mudada bilawga. Xanuunka ama danqasha ibta — ee caadi ahaan macnaheedu ahayn inay jirto dhibaato — waxa ka mid noqon kara: • U hubso naas qabsasho iyo meeleyn sax ah si ilmuhu uu si fiican u jaqo naaska una jilciyo naasaha. • Haddii ilmuhu aanuu si fiican u jaqeyn naaska, si joogto ah iyo marrar badan lis caanaha si kaydka caanuhu u joogo una yaraado dararku. • Xanuun ah naas qabsasho oo jira in ka badan 30 sekan marka la bilaabo quudista. Badanaa kan waxa lagu sharaxay xanuun khafiif ah ama raaxodaro, laakiin hooyooyinka qaarkood ayaa dareema xanuun intaa ka badan oo daran. Waa inaan xanuunku sii socon dhammaan quudinta. Talooyin ku saabsan wax ka qabashada dararka: • Adiga oo si tartiib ah u duuga naaska laga bilaabo darbiga laabta illaa xagga ibta ka hor naas-nuujinta ayaa leh gargaar. • Saar duubyo qabow illaa 20 daqiiqadood ka hor naas-nuujinta si • Xanuun caadi ahaan halka ugu dheer gaadha maalinta 3aad ka dib dhalashada oo iska taga gudaha 2 todobaad. 12