DHAMBAAL | Page 2

Caalamkii waa is beddelay! Saciid Cali Shire B.Sc. (Hon), PGD, M.A., M.Sc., M.Phil., MIBC, MIBF Saciid waa xeeldheere culuunta ganacsiga, hoggaaminta iyo bangiyada Islaamka oo ka soo shaqeeyey xarumo aqoon, cilmibaaris iyo la-talin oo ku kala yaala Norway, UK iyo Soomaaliya. Saciid, sidoo kale, waa qoraa, cilmibaare iyo la-taliye. Dhinaca qoraalka, Saciid wuxuu qoray 15 qoraal cilmiyeed (academic papers) oo ku soo baxay joornaalo heer caalami ah iyo afar buug. Sidoo kale waxaa jidka ku soo jira 4 buug. Dhinaca la-talinta, Saciid wuxuu sharikaadka kala taliyaa wax kasta oo saamayn ku yeelan kara koboca, faa’iidada iyo jiritaanka ganacsigooda. t. 44 (0) 7838236171 e. [email protected] w. www.buuh.net 2 Dhinac kasta oo laga fiiriyo, mastarad kasta oo lagu cabbiro iyo miisaan kasta oo la saaro, caalamkii isbeddelay. Caalamkii waa isbeddelay marka la fiiriyo siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan, teknoolojiyo ahaan, ganacsi ahaan iyo nolol ahaan intaba. Waxa maanta la galay seben aqooneed (knowledge era) - seben heerka horummar ee waddan, heerka horummar ee shirkadd iyo tayada nolosha ee qofku dhammaan ku xiran yihiin heerka iyo tayada aqoonta ururtay ee qofkaas, shirkaddaas iyo waddankaas. Caalamkii waa isbeddelay! Isbeddellada ka dhacaya caalamku waa kuwo ugub ah! Waa ugub marka la fiiriyo muuqaalkooda, xawaaraha ay ku soconayaan iyo saamaynta ay ku yeelanayaan nolosha dadka, shirkadaha iyo dawladaha. Waa meesha Soomaalidii hore ka oran jirtey “la kala dheeree orodna ma aha”. Caalamkii waa is beddelay! Isbeddellada caalamku waxay gaarsiisan yihiin heer wax walba, magac ahaan, maskab ahaan iyo muuqaal ahaanba is beddeleen. Maanta waxaan galnay heer wax walba ku salaysan yihiin aqoon. Tusaale ahaan, haddii sanooyin ka hor hantida la yaqaaney ahayd mood iyo nool, waddooyinka loo marana koobnaayeen, maanta hantida dhabta ah ee ummad, shirkad iyo qofi waa hantida aqoonta. Hantida aqoontuna, sida Peter Drucker soo bandhigo waxay leedahay waddooyin loo maro oo ka duwan waddooyinkii hore. Caalamkii waa is beddelay! Si ummaddeenu ula qabsadaan qaybna uga noqdaan isbeddelladaas caalamka hareeyey, waa in ay si joogto ah sare ugu qaadaan aqoontooda iyo xirfaddooda. Afarta buug ee dhambaalsidahaani xambaarsan yahayna - Furaha Ganacsiga, Hoggaamiye, Bangiyada Islaamka iyo Maaraynta Zakada - ujeeddada loo qoray waa sidii qofka, sharikaadka, hey’adaha kheyriga ah iyo dawladduba, iyagoo ilaashanaya dhaqankooda iyo diintooda, ay ula jaanqaadi lahayeen isbeddelladaas. Waa buugaag ku salaysan cilmibaaris loona diyaariyey qaab cilmiyaysan.Waa buugaag, idanka Eebbe, aan rajaynayno in qofkii akhriya uu qayb ka noqdo isbeddellada caalamka hareeyey. Si aad qayb uga noqotid horummarka berito; si aad sare ugu qaaddid tayada noloshaada iyo midda qoyskaaga; si aad qayb uga sii ahaatid caalamka... Dalbo, akhriso, dhuux, dhitayso, kuna dhaqan aqoonta buugaagtaani xambaarsan yihiin. Akhris wanaagsan! Saciid Cali Shire Qoraa, cilmibaare, la-taliye www.buuh.net